Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Dhibaatada Ribadu ku leedahay dhaqaalaha Dunida

Dhibaatada Ribadu ku leedahay dhaqaalaha Dunida

Ribadu macnaheeda luqad ahaan waa siyaado (dulsaar) waxyaabo gaar ah sida Amaahda (daynta) iyo in labo shey la isku badalanaayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn.

Ribadu waa labo nooc:
 Ribaa Alfadli: waa ribada gasha raashinka iyo lacagaha isku midka ah .
shuruuddana wa in la isla ekaysiiyaa iyo in markiiba la kala qaato.
 Ribaa Al-nasii’ah: waa daynta lacageed oo la sii dulsaaro.

Sanadahaan danbe dunida waxa ku soo badanayay bangiyada kuwaas oo sameeya dulsaar dhanka maalgashiga ama daynta dadka la siiyo taas waxa ay saaameyn aad u daran ku yeelatay dhaqaalaha adduunyada qaar badan oo banagyadaa ah waxa ay noqdeen kuwa suuqa ka baxa kaddib markii dhaqaalahoodu hoos u dhacay ayna awood u yeelan waayeen inay suuqa ku sii jiraan.

Saamaynta ribada ku yeelatay dhaqaalaha iyo bulshada waxan ka xusi karnaa qodobadan:
 Ribadu waxay yareysaa abuuritaanka ganacsiga yaryar, ribada marka ganacsatada yaryar soo qaataan waxaa la saraaa lacag dulsaar ah marka ay lacagta bixinayaan waxaa laga rabaa dulsaarka marka waxa ay qaar badan awoodi waayeen inay bixiyaan waxayna danta ku qasabtaa in ganacsiga ka burburo sababtoo ah haddii uu faa’ido ama khasaaro waa laga rabaaa lacagta.

 Ribadu waxa ay abuurtaa sicir barar iyo dhaqaale xumo aad u daran waxa ayna qiimo dishaa lacagta.

 Ribadu waxa ay hoos u dhigtaa kobaca dhaqaale maxaa yeelay qaar badan oo bulshada ah haddii ay damcaan lacag dayn ah oo maalgashi ah waxaa la saaraa dulsaar badan marka ganacsiga kobac ma sameynayo.

 Ribada waxay aaad u yareysaa wax soo saarka iyo shaqa abuurista, qaar badan oo warshadaha wax soo saarka leh marka ay u baahdaan lacag dayn ah ama shey loo soo gado si ay isaga bixiyaan waxaa la saaraa lacag ribo ah markaa qofka waxa uu ku qasban yahay inuu iska dhaafo taasna waxa ay aad u yareynaysaa wax soo saarka.

 Ribada waxa ay abuurtay dhaqaalaha adduunka ee hoos u dhacay sanadihii 2007-2009 kii waxaa sabab u ahayd ribada bangiyada , bangiyadii waa waynaa ee aduunka ayaa waxay lacagtii kaashka ama cadayd ku maalgaliyeen dhismo guryo iyo ganacsiyo kale waxay dulsaarteen lacag dheeraad ah dadka marka ay guryahaa lacagta looga doonayo iska yarenyteed lagu wargeliyay waxay awood u yeelan waayeen inay bixiyaan qaar badan oo dadkaa kamid ah ayaaa shaqo la’aan noqday, qaar badan ayaa awoodi waayay marka bangiyadii waxay ka soo ceshadeen guryihii marka bangiyo badan waxay wayeen lacag kaash ah oo ay ku sii wadaan shaqada bangiga qaar waxaa kabay dawladahoada qaar badan waxay noqdeen kuwa awood yaraada.

Ribada ayaa abuurta sida lagu xaqiijiyay cilmi baarisyo dhowr ah dhaqaalo xumi, sicir barar, shaqo la’aan iyo in lacagta iyo hantida aduunka ay gacanta u gasho dad aad u tiro yar.

Bangiyada islaamiga waxay gaareen guul iyo hormar dhaqaale oo aad u wayn sanadihii danbe.wadamo dhowr ah oo reer galbeed u banad ayaa qaatay nidaamka ay u shaqeeyaan bangiyada Islaamka, waxaana kamid ah wadamadaa Jarmalka, Ingiriiska iyo Japan.

W/D: Abdirahman Haji Ali

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan