Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Qaladaadka taqaatiirta ay sameeyaan oo noqotay sababta saddexaad oo ay u dhintaan dadka Mareykanka.

Qaladaadka taqaatiirta ay sameeyaan oo noqotay sababta saddexaad oo ay u dhintaan dadka Mareykanka.

Qaladaadka ay taqaatiirta sameeyaan inta ay ku guda jiraan qaliinada ama ay dawooyin qorayaan ayaa noqotay sababta 3aad oo ay u dhintaan dadka mareykanka marka laga soo tago cuduradda Wadnaha iyo Kansarka.

Baaritaan arrintan ay qubaro ka sameeyeen oo lagu daabacay majaladda arrimaha caafimaadka ka faaloota ee British Medical Journal ayaa lagu sheegay in 250,000 oo qof oo mareykanka ku nool inay sanad walba u dhintaan sababo la xariira qaladaad ay taqaatiirta dalkaaasi ku lug yeeshaan.

Waxaa lala kaashaday baaritaankan oo muddo la sameynayay daraasado hore oo taariikhdoodu loo celinayo sanadkii 1999 .

Martin Makarie iyo Mikel Daniel oo ah qubaro ka tirsan Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Johns Hopkins ayaa ku dhiiraday oo ku dhaqaaqay baaritaankan iyagoo sheegay in tirada dadka u dhinta qaladaadka taqaatiirta ay sameeyaan ay mareyso halkii ugu sareysay tan iyo muddo sanado ah.

Martin Makarie ayaa xusay in taqaatiir badan qaladaad ka dhaca ay noloshooda ku waayaan dad badan oo Isbitaalo loo dhigo ama qaar dawooyin qaldan loo qoro.

“Waa arrin muuqata oo aan la dafiri karin, ayna tahay in lagu baraarugo” sidaasi waxaa yiri Martin Makarie oo kamid ah qubarada sameeyay baaritaanka.

Dhinaca kale Mikel oo isna ka warbixiyay baaritaanka uu ku lug yeeshay waxa uu sheegay in natiijada daraasadda ay ku kalsoonyihiin laakiinse loo baahanyahay in la sii baaro.

” Dadku waxa ay u dhimanayaan qaladaad ka dhaca taqaatiirta xilliga qaliinka iyo dawo qorista, waana sababta 3aad oo dadka Mareykanka ay u dhintaan ” Mikel ayaa yiri sidaasi.

Waxa uu intaa ku sii daray in Qaaradda Afrika sidoo kale ay ka jirto dhibaatadan oo dad badan oo Afrikan ah ay u geeriyoodaan qaladaad taqaatiirtooda ay sameeyaan marka laga soo tago cudurada AIDSka iyo Malariyada.

Ugu danbeyn Mikel ayaa ku taliyay in la qaato talaabooyin lagu yareynayo qatarta qaladaadka taqaatiirta si loo bad baadiyo dad badan dhinaca kalena la isku dayo in la diiwaan galiyo dadka dhibanayaasha u noqda qaladaadka taqaatiirta aysan ku talagalin laakiinse ka dhaca.

W/D Mahad Mohamed Ali

 

 

 

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan