Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Signjet iyo FC Muqdisho oo wada leh kulan lagu ogaanayo cidda heerka hoose ka casuuman

Signjet iyo FC Muqdisho oo wada leh kulan lagu ogaanayo cidda heerka hoose ka casuuman

Kooxaha kubadda cagta FC Muqdisho iyo SIgnjet ayaa kulan cayaareed adag oo heerka hoose looga cararayo ku wada leh bugcadda Banaadir ee degmadda Cabdi Casiis.
Cayaarta ayaa soo geli doonta galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm.

Singjet kulankeedii u danbeeyay guul weyn ayay kasoo gaartay dhigeeda Horseed, kulan kusoo dhamaaday 2-1.

Haddii kulankan ay badiso waxay xaqiiqsan doontaa in xagaaga soo socda ay ka dheeli doonto heerka koowaad oo hoos waxaa u dhici doona kooxaha Saxafi iyo FC Muqdisho.

Ogow FC Muqdisho iyo Signjet hal mar ayay wada yimideen heerka koowaad, waxaa laga yaabaa in FC Muqdisho ay cayaar adag dheesho si ay dhulka ula gasho kooxda Signjet oo ay ku wargeliso inay markale iskula laabtaan heerkii xagaa hortii ay kasoo baxeen ee Serie-B.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan