Home / Habka-Nolosha / Horyaalka Kubadda Koleyga gabdhaha oo maanta furmaya

Horyaalka Kubadda Koleyga gabdhaha oo maanta furmaya

Waxaa maanta si toos ah uga furmaya gegada Wiish Stadium ee degmadda Cabdi Cabdicasiis horyaalka kubadda koleyga gabdhaha heerkiisa koowaad.

Horyaalka kubadda koleyga heerkiisaa koowaad waxaa ka qeyb gelaya afar kooxood oo kala ah Horseed, Heegan, Nationlink iyo OFC.

Kooxda kubadda koleyga gabdhaha Horseed oo metesha ciidanka xooga dalka ayaana daafacaneysa horyaalka kubadda koleyga.

Kulan cayaareedka ugu horeeya ee horyaalka gabdhaha kubadda koleyga ayaa galabta dhexmari doona kooxaha Heegan iyo OFC.

Gabdhaha Heegan ayaa la cayaari doona dhigooda OFC saacaddu marka ay tahay 4:00pm oo galabnimo.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan