Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Maxaa kala heysta kooxaha Jeenyo iyo Heegan

Maxaa kala heysta kooxaha Jeenyo iyo Heegan

Kooxaha kubadda cagta Jeenyo iyo Heegan ayaa galabta 3:45pm saacadda geeska Afrika ku balansan gegada Banaadir Stadium.

Heegan oo aheyd kooxdii xagaagii tegay horyaalka ku guuleysatay ayaana dooneysa in kulan cayaareedkan guul muhiim ah ay horyaalka ku soo qatinto si booska saddexaad ay ugu dhameysato.

Jeenyo oo iminka booska saddexaad fadhisa ayaa dooneysa inay ku dhawaato kooxda booska labaad horyaalka ku dhameysaneysa ee Dekedda.

Haddii guul hal gool ka badan ay kulankan gaarto Heegan, iyadaa fadhiisan doonta booska saddexaad, maadaama iminka la dheeryahay saddex dhibcood iyo hal gool.

Waa kulankii ugu danbeeyay oo labada kooxood ay xagaagan cayaari doonaan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan