Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka dhexmari doona kooxaha Horseed iyo Elman

Hordhaca kulanka dhexmari doona kooxaha Horseed iyo Elman

Kooxaha Kubadda cagta Elman iyo Horseed ayaa kulan cayaareed xiiso badan maanta ku leh bugcadda Banaadir ee degmadda Cabdicasiis.

Horseed iyo Elman ayaana galabta balansan xilli horyaalku gebo gebo marayo, cayaartooduna waxay soo geli doontaa 03:45pm.

Naadiga Horseed kulankeedii u danbeeyay guul 2-0 ah ayay ka gaartay kooxda Saxafi halka Elman ay barbaro goolal la’aan ah la dhaafi weysay kooxda Heegan oo xagaagii tegay horyaalka hanatay.

Kooxda kubadda cagta Horseed booska lixaad ayay 23 dhibcood la fadhisaa iyadoo dhigeeda Elman ay 21 dhibcood la joogto kaallinta 7aad.

Horseed ayaa 3-0 ku garaacday Elman kulankii lugta koowaad xagaagan oo labada kooxood dhexmaray maallin Khamiis ah 25tii Febraury.

Elman ayaa ah kooxda guulaha badan marka ay labada dhinac wada cayaaraan, afar guul ayay wadataa toddobadii kulan oo u danbeysay, waxaana u wehliya guuldarro iyo labo barbaro.

Labadan kooxood ayaa ah kuwa ugu hanashada badan horyaalka Soomaaliya heerkiisa koowaad, min lix goor ayayna hanteen.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan