Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Horseed oo guul weyn ka gaartay Elman

Horseed oo guul weyn ka gaartay Elman

Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa kulankeedii u danbeeyay xagaagan la cayaartay kooxda Elman.
Labada kooxood oo ah kuwa ugu hanashada badan horyaalka heerka koowaad ayaa iminka kaalmaha dhexe ku dhameystay.

Horseed ayaase markale dhegta dhiiga u dartay, iyadoo aan wada xusuusano in bilowgii xagaaga bugcadda Banaadir ay saddexda dhibcood kaga tirsatay Elman oo ay ku dhufatay Saddex iyo Eber.

Kulankaan Horseed ayaa markale dhibaateysay Elman oo aan hanan horyaalka saddex sano oo xiriir ah, waxaana goolka koowaadba daqiiqaddii siddeedaad dhaliyay wiilka Horseed dadabka midgeed ee weerarka uga cayaara Cabdulqaadir Maxamed Muxudiin.

Laacibka qadka dhexe uga cayaara Horseed Bakar Cabdullaahi Cusmaan ayaana goolka labaad kooxdiisa u dhaliyay daqiiqaddii 40aad.

Qeybtii koowaad ee kulanka ayaana lagu kala maray Horseed oo labo gool ku leh kooxda Elman.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad Elman dhibaatadeeda ayaa halkeedii kasii socotay.

Daqiiqaddii 76aad wiilka lanbarka siddeedaad u xirta kooxda Horseed Nuune Ibraahim Haashim ayaa goolkiisii labaad dhaliyay labo kulan oo xiriir ah, kana dhigay cayaartu inay kusoo idlaato 3-0 oo markale guushu ku raacday Horseed.

Elman ayaa xagaagan lix dhibcood u weysay Horseed, iyadoo lix goor shabaqeeda lasoo taabtay, awoodina weysay inay xataa hal gool la timaado.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan