Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Signjet oo xaqiiqsatay inay horyaalka Soomaaliya heerkiisa koowaad kusii sugnaan doonto

Signjet oo xaqiiqsatay inay horyaalka Soomaaliya heerkiisa koowaad kusii sugnaan doonto

Kooxda kubadda cagta Signjet ayaa xagaaga soo aadan kusii sugnaan doonto horyaalka heerka koowaad kaddib guul ay ka gaartay kooxda Gaadiidka.

Kulan cayaareed labada kooxood dhexmaray shalay ayay kubad sare garoonka lasoo galeen Signjet oo carar ka joogtay kooxda xaqiiqsatay inay hoos u laabatay ee Saxafi.

Daqiiqaddii 10aad ee cayaartaba Saadaq Nuur Geelle oo lanbarka 10aad u xirta Signjet ayaa shabaqa gaaray si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa.

Cabdinasir Cumar Maxamed Gurxan ayaa gool ku laad loo dhigay gool u rogay daqiiqaddii 35aad si Signjet ay hogaanka u sii dheereysato.

Saddex daqiiqo kaddib Gaadiidka ayaa shabaqa gaartay, waxaana gool u dhaliyay Saadam Cabdullaahi Gaab.

Markale qeybtii hore oo dhammaad ah Saadaq Nuur ayaa gool u dhaliyay Signjet, walow kaarka cas la siiyay weeraryahanka Signjet Saciid Daahir Malabeey.

Qeybtii hore oo kulanka ayaana kusoo dhamaaday 3-1 oo hogaanka looga hayay kooxda Gaadiidka oo dhibaneyd.

Qeybtii labaad labada kooxood weeraro isdaba joog ah ayay isku qaadayeen hayeeshee daqiiqaddii 90aad Saadam Gaab ayaa gool labaad u dhaliyay Gaadiidka.

Cayaarta ayaana ku dhamaatay guul 3-2 ah oo ay gaartay kooxda Signjet, Guushaa ayaana ka dhigan in Saxafi ay heerka hoose u dhici doonto xagaaga soo aadan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan