Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Kulanka ugu danbeeya xilli cayaareedkan oo dhexmari doona kooxaha Saxafi iyo Muqdisho FC

Kulanka ugu danbeeya xilli cayaareedkan oo dhexmari doona kooxaha Saxafi iyo Muqdisho FC

Kooxaha Saxafi oo booska 9aad fadhisa iyo Muqdisho City oo 10aad ku jirta ayaa galabta ku balansan bugcadda Banaadir Stadium saacadda geeska Afrika marka ay tahay 03:30pm.

Muqdisho City keliya xagaagan ayay horyaalka heerkiisa koowaad timid, welina hal guul ma aysan gaarin.

17 kulan oo horyaalka ay dheeshay kooxda Muqdisho keliya saddex dhibic ayay urursatay iyadoo guuldarro ay soo gaartay 14 goor.

Saxafi iyadu han bay ka laheyd inay heerka koowaad kusii sugnaato maadaama ay uga qibrad roontay Muqdisho, hayeeshee rajo walba oo ay qabtay kooxda Signjet ayaa aastay oo xaqiiqsatay inay iyadu sanadkeedii labaad oo xiriir ah sii joogto heerka koowaad.

Saxafi iminka 10 dhibcood ayay leedahay iyadoo shan dhibcood ka hooseysa kooxda ka sareysa.

Labada kooxoodba waxay u dagaalamaan oo weyn ma jiraan, maadaama ay heerka hoose u laabanayaan.

Muqdisho City ayaase indhaha ku heysa inay guusheedii u horeysay taariikhda ay gaarto iyadoo heerka koowaad ka cayaareysa.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan