Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Saxafi oo dersin goolal ah ugu qubeysay kooxda Muqdisho City

Saxafi oo dersin goolal ah ugu qubeysay kooxda Muqdisho City

Kulan cayaareed goolashii ugu badnaa ee xagaagan la iska dhaliyay ayaa galabta dhexmaray kooxaha Saxafi iyo Muqdisho FC.

Daqiiqaddii 16aad Bile Muxudiin Buraale ayaa goolka koowaad u dhaliyay kooxda Saxafi.

Daqiiqaddii 27aad wiilka u xirta Saxafi lanbarka 27aad C.Laahi Maxamed Cusmaan ayaa kooxdiisa u labeeyay inta aanu goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa dhalin Bile oo shabaqa gaaray daqiiqaddii 34aad.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay, iyadoo cayaarta ay socotay wax ka yar 10 ilbiriqsi Bile Muxudiin Buraale ayaa dhameystiray saddexleydiisa, cayaartana ka dhigan 4-0.

Daqiiqaddii 52aad Ismaaciil Ciise Diini ayaa hal gool usoo celiyay kooxda Muqdisho FC oo luuq ugu jirtay Saxafi.

Wiilka lanbarka ay ka siman yihiin Ismaaciil ee Mahad Maxamed Mahad ayaa jawaab siiyay laacibka ay lanbarka siddeedaad wada xirnaayeen markii uu kubad ka kor qaaday goolhaye Mukhtaar Cali daqiiqaddii 67aad, waxaase shabaqa kaga horeeyay Xasan Siidow Hilowle.

Axmed Xassan ayaa goolkii toddobaad ee kooxdiisa dhaliyay daqiiqaddiib 74aad, hayeeshee gool labaad ayay la timid FC Muqdisho, waxaana goolkooda labaad daqiiqaddii 77aad u dhaliyay Asad Cabdulle Cumar.

Daqiiqaddii 80aad Cabdinuur Aadan Yarow ayaa goolkii siddeedaad ee Saxafi la yimid inta uusan Bile Buraale afarley dhallin daqiiqaddii 86aad.

Daqiiqadihii 88aad, 89aad iyo 90aad saddex gool oo daran doori ah ayay raacsadeen wiilashii goolasha u baahida qabay ee Saxafi.

Kulan cayaareedkaas ayaana kusoo idlaaday 12-2 oo ay ku badisay kooxda Saxafi, walow nasiib darro labada kooxood ay heerka labaad u dhaceen.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan