Home / Habka-Nolosha / Yaad ka taqaanaa Mataanaha Kubadda Cagta imminka ku xamaasha

Yaad ka taqaanaa Mataanaha Kubadda Cagta imminka ku xamaasha

Tiro cayaartoy wada dhashay oo kubadda cagta saaxadeeda magac ka sameeyay baa jira, Laakiin waxaan eegi doonnaa Cayaartoyda Mataanaha ah ee kubadda cagta xirfaddeeda ku xamaasha.
MATAANAHA DA SILVA

R1

Rafael Da Silva iyo Fabio Da Silva, waa mataano daafaca ka wada cayaara, waxay si wadajir ah ugu soo bilowdeen shax cayaareedkii Manchester United xagaagii 2008.

Fabio ayaa 2011 loogu yeeray qarankiisa Brazil, isagoo metelay labo goor, halka sanad kaddib loo yeeray Rafael oo isna labo goor qarankiisa metelay.

Cardiff City ayuu iminka Fabio u cayaaraa, halka Rafael oo kusoo bixi waayay shax cayaareedka macallin Van Gaal uu ku biiray kooxda Lyon.

MATAANAHA ALTINTOP

r2

Hamit ALtintop iyo Hilal Altintop, waa mataano Turki ah oo ku dhashay Galbeedka Jarmalka.

Koox xaafadeedka Wattenscheid ayay kasoo bilaabeen xirfadooda kubadda cagta, walow Hamit uu nasiib u yeeshay inuu u cayaaro kooxo ay kamid yihiin Bayern Munchen iyo Real Madrid halka Hilal uu soo metelay Schalke 04 iyo Trabzonspor.

Hamit iminka lanbarka 4aad ayuu u xirtaa Galatasaray, iyadoo Hilal Altintop uu lanbarka 7aad u qaato kooxda FC Augsburg.

MATAANAHA CALLEJON

r3

Mataanaha Jose Callejon iyo Juanmi Callejon oo reer Spain ah, waxay kusoo barbaareen xerada wax soo saarka kooxda Real Madrid.

Jose lanbarka toddobaad ayuu u xirtaa kooxda Napoli oo Serie-A xagaagan wacdarro ka dhigtay halka walaalkii Juanmi uu qadka dhexe uga cayaaro kooxda Club Bolívar oo ka dhisan dalka Bolivia.

Jose Callejon ayaa qarankiisa Spain metelay labo kulan.

MATAANAHA BENDER

r4

Lars Bender iyo Sven Bender hubaal waa mataanaha ugu magaca sareeya looguna doondoonis badan yahay waqtigaan la joogo.

Waa wiilal boos qura ka wada dheela, waana qadka dhexe ee daafaca.

Waxay ku dhasheen Galbeedka Jarmalka, iyagoo kusoo hanaqaaday kooxda 1860 Munchen oo ay isaga wada tageen sanadkii 2009.

Mataanaha suuqa kala iibsiga magacooda lagama waayo, walow Slaven oo Borussia Dortmund u xirta lanbarka 6aad uu guulo badan yahay hayeeshee Lars oo lanbarka siddeedaad u xirta Bayern Leverkusen uu safasho badan yahay oo qaranka Jarmalka uu metelay 19 goor.

MATAANAHA BEREZUTSKI

r5

Vasili Berezutski iyo Aleksei Berezutski waa Mataano kale oo kubadda cagta ku xamaasha weliba iyagoo koox wadaag ah, hubaal Garsoorayaal badan way ku waalan doonaan kala saaridooda haddii midkood uu qalad kale kaddibna ay isgarab istaagaan, sida ay sameeyeen mar ay dabin u dhigeen Karim Benzema.

Wiilashan Moscow ku dhashay 1982dii ayaa daafaca uga wada cayaara kooxda CSKA Moscow.

Aleksei ayaa lagu xusuustaa goolkii uu ka dhaliyay Finalkii UEFA Cup sanadkii 2005, markaasoo ay dib u soo laabteen kooxdiisa oo ay garaaceen Sporting.

Vasuku ayaa isna 2014 Koobkii Adduunka oo lagu qabtay Brazil u xirtay qaranka Ruushka calaamadka Kabtannimo kaddib maqnaanshiyihii Roman Shirokov.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan