Home / Habka-Nolosha / Kolo & Yaya, walaalaha Ayew iyo Siddeedda laacib ee ugu caansan xiddigaha wada dhashay ee reer Afrika + Sawirro
LIVERPOOL, ENGLAND - MARCH 01: Yaya Toure of Manchester City and Kolo Toure of Liverpool walk off the pitch following the final match during the Barclays Premier League match between Liverpool and Manchester City at Anfield on March 1, 2015 in Liverpool, England. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

Kolo & Yaya, walaalaha Ayew iyo Siddeedda laacib ee ugu caansan xiddigaha wada dhashay ee reer Afrika + Sawirro

Kolo Toure iyo Yaya Toure

Yaya Toure waa walaalka yar ee Kolo Toure, waxay iminka ka wada cayaaraan horyaalka Ingiriiska iyagoo kala metela kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

LIVERPOOL, ENGLAND - MARCH 01: Yaya Toure of Manchester City and Kolo Toure of Liverpool walk off the pitch following the final match during the Barclays Premier League match between Liverpool and Manchester City at Anfield on March 1, 2015 in Liverpool, England. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

Kevin-Prince iyo Jerome Boateng

Kevin-Prince iyo Jerome Boateng ayaa arrin layaab leh sameeyay markii ay iska horyimideen 23dii July 2010 iyagoo kala metelayay qaramada Gana iyo Jarmalka, waa labadii walaal oo u horeeyay oo labo qaran kala metela cayaaraha caalamiga iskana horyimaada.

Jerome iminka daafaca ayuu uga cayaaraa kooxda Bayern Munich halka Kevin uu qadka dhexe iyo weerarkaba uga cayaaro kooxda AC Milan.

download

Andre, Jordan iyo Rahim Ayew

André Morgan Rami Ayew lanbarka 10aad ayuu xirtaa isagoo garab uga cayaara kooxda Swansea.

Jordan Ayew isna booska weerarka ayuu uga cayaaraa kooxda heerka hoose u dhacday ee Aston Villa.

Rahim oo kawada weyn labadan laacib daafaca midig ayuu uga cayaaraa kooxda Asante Kotoko.

download (1)

Kalu and Ikechukwu Uche

Ikechukwu Uche oo reer Nijeriya ah wuxuu weerarka uga cayaaraa kooxda Malaga halka walaalkii ka yar Kalu Uche uu weerarka iyo qadka dhexe uga cayaaro kooxda Almeria.

 

download (2)

Xassan Nuur iyo Ataf Nuur Geesey

Xassan Nuur Geesey “Xasaasi” iyo Ataf Nuur Geesey waa walaalo ku caan baxay tuurista laadadka xorta ah oo ka cayaara horyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya.

Xassan lanbarka siddeedaad ayuu u xirtaa kooxda ugu shacbiyadda badan horyaalka ee Jeenyo, halka Ataf uu lanbarka 12aad u qaato kooxda horyaalka Soomaaliya ugu guulaha badan inta burburku jiro ee Elman.

13151535_1723176844589587_90625250819507871_n

Asamoah and Baffour Gyan

Asamoah Gyan wuxuu weerarka kaga cayaaraa kooxda Shiinaha ka dhisan ee Shanghai SIPG isagoo u xirta lanbarka uu caanka ku yahay ee 3aad.

Baffour Gyan oo shan sano ka weyn Asamoah wuxuu metelaa kooxda Libya ka dhisan ee Al-Nasr Benghazi.

download (3)

Arouna and Bakari Kone

Arouna Koné oo reer Ivory Coast wuxuu weerarka uga cayaaraa kooxda Everton oo uu u qaato lanbarka 9aad, halka walaalkii Bakari Koné uu garabka uga cayaaro kooxda Paris FC.

download (4)

Mustapha and Youssouf Hadji

Youssouf Hadji waa 36 jir reer Morocco ah oo qadka dhexe ee weerarka uga cayaara kooxda AS Nancy.

Mustapha Hadji isna hore ayuu qadka dhexe uga soo dheelay kooxo ay kamid yihiin Deportivo iyo Espanyol, wuxuuna iminka caawiye tababare u yahay xulka qaranka Morocco.

maxresdefault

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan