Home / Habka-Nolosha / Degdeg: Manchester United oo erisay macallin Van Gaal iyo shaqaalihiisa tababarka

Degdeg: Manchester United oo erisay macallin Van Gaal iyo shaqaalihiisa tababarka

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa erisay macallin Van Gaal iyo shaqaalihiisa tababarka reer Holland kaddib labo xilli cayaareed oo kooxda uu hogaaminayay.

64 jirkaan ayaa ku guuldarreystay xagaagan inuu kooxda usoo saaro ka qeyb galka Champions League, walow uu kula guuleystay FA Cup oo isaga hortii ay mooganaayeen tan iyo 2004, muddo 12 sanadood laga joogo.

Van Gaal ayaa sidoo kale lala eryay caawiyihiisa  Albert Stuivenberg iyo macallinka goolhayeyaasha Frans Hoek.

Weli warbixin rasmi ah Manchester United ma aysan soo saarin hayeeshee Daily Mail ayaa xaqiijisay warkan, Jose Mourinho ayaa iminka ugu cadcad qabashada shaqadan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan