Home / Habka-Nolosha / Cristiano Ronaldo oo dhaawacmay, war farxad u ah Atletico + Sawirro

Cristiano Ronaldo oo dhaawacmay, war farxad u ah Atletico + Sawirro

Gooldhaliyaha ugu goolasha badan kooxda Real Madrid Crisriano Ronaldo ayaa maanta ku dhaawacmay tababarkii kooxdiisa kahor kulanka Finalka Champions League.

Cristiano waxaa gadaal uga soo dhacay Dani Carvajal oo xiddiga u riday dhanka goolhaya kooxda, xilli wiilasha macallin Zidane ay diyaar garow ugu jiraan kulanka Finalka Champions League ee sabtida dhexmari doona kooxaha caasimadda Madrid ka wada dhisan.

Ronaldo ayayna qasab ku noqotay inuu garoonka tababarka kooxdiisa isaga baxo markii xanuun daran oo muruqa ah uu soo wajahay.

War rasmi ah oo ku aadan dhibta heysata Ronaldo lagama hayo kooxdiisa Los Blancos, iyadoo wiilku uu yahay laacibka hogaaminaya gool dhallinta Champions League.
1

2

11

3

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan