Home / Habka-Nolosha / Ramos: Qoomamo kama joogo inaan iska diiday ku biirista Manchester United

Ramos: Qoomamo kama joogo inaan iska diiday ku biirista Manchester United

Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa xilli cayaareedkii tegay iska diiday dalab uga yimid kooxda ka dhisan gegada Old Trafford ee Manchester United.

Si weyn ayaa daafacan dhexe loola xiriirinayay kooxda Red Devils hayeeshee wuu iska diiday middaa isaga oo sii joogay Bernabue si loogu magacaabo hogaamiyaha kooxda oo uu ka dhaxlay Iker Casillas.

30 jirkaan ayaa sabtida Real Madrid hogaamin doona kulanka Finalka Champions League, wuuna ku dhiiraday markaan inuu ku farxo go’aankii uu dhabarka ugu jeediyay Manchester United.

“Waa wax wanaagsan inaanan ku biirin Manchester. Tani waa xusuus goor hore ah, go’aano nasiib wanaag sidii haboonaa u dhacay. waana aan ku faraxsanahay inaan halkaan sanado badan sii joogo.” Ramos ayaa sidaa u sheegay El Laguero.

Ramos ayaa kusoo biiray Real Madrid 2005 isagoo kolkaa kasoo dhaqaaqay kooxda Sevilla, wuxuuna Los Blancos kula guuleystay saddex horyaal, labo Cope del Rey iyo Champions League.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan