Home / Habka-Nolosha / Da’yar Muqdisho meteleysay oo bilad ka helay tartan ay Barcelona taaba gelineysay

Da’yar Muqdisho meteleysay oo bilad ka helay tartan ay Barcelona taaba gelineysay

Da’yarta 11 jirada qaranka Soomaaliya oo metelayay caasimadda Muqdisho ayaa dalka Sudan uga soo qeybgalay tartanka¬†Futbolnet Regoinal Tournament oo ay taabagelinaysay kooxda kubadda cagta Barcelona.

Tartankan oo si habsami la’ u soo dhamaaday ayay guul soo gaareen da’yartii Soomaaliya ka tegay xilli ay u noqoneyso guulo labaad oo dalka ay u soo hoyeen.

Ilaa iyo shan kooxood ayaa ka qeybgalay cayaaraha, saddex kamid ah waxay metelayeen magaalooyin Sudan ah labada soo hartay ayaana kala ahaa geesiyaasheena iyo koox Adis Ababa meteleysay oo dhibcaha dhan laga qaaday markii la xaqiijiyay inay garoonka soo geliyeen cayaartoy ka da’weyn kuwii tartanka loogu talo galay.

Da’yartii Muqdisho ayaana tartanka kusoo dhameystay booska saddexaad markii ay urursadeen 7 dhibcood iyagoo halkaa ku guddoomay bilad maar ah.

Sida Kalimaha loo kala galay Futbolnet Regoinal Tournament 2016.

1.Khartoum (Sudan)
2. Omdurman (Sudan)
3. Mogadishu (Somalia)
4. Korfakan (Sudan)
5. Adis Ababa (Ethopia)

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan