Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro helidda saxiixa Hector Bellerin

Manchester City oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro helidda saxiixa Hector Bellerin

Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester City Hector Bellerin ayaa farta ku fiiqay in Bellerin looga baahan yahay gegada Etihad Stadium.
Daafaca danbeedka midig uga cayaara kooxda kubadda cagta Arsenal Hector Bellerin ayaa muddooyinkii u danbeeyay diiradda u saarnaa kooxda uu hore ugu soo barbaaray ee Barcelona, kooxda Citizens ayaana diiradda uu u saaran yahay wiilkan iminka.
Gunners ayaa kalsooni badan ku qabta inay haysan doonto daafacan iminka qarankiisa Spain u raacay koobka qaramada qaaradda Yurub.
Todo Mercado Web ayaase ku warameysa in kooxda kubadda cagta Manchester City ay loolan ugu jirto sidii ay ula soo saxiixan laheyd wiilkan.
Bellerin oo 21 jir ah ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxdiisa Arsenal sanadkii 2011, isagoo Gunners u saftay 73 kulan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan