Home / Habka-Nolosha / Manchester United oo xaqiijisay inay lasoo saxiixatay Bailly

Manchester United oo xaqiijisay inay lasoo saxiixatay Bailly

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Eric Bailly ay kala soo wareegeen kooxda kubadda cagta Villareal uuna Red Devils u saxiixay heshiis afar sanadood ku heyn doona gegada Old Trafford.

22 jirkaan ayaa noqonaya saxiixii u horeeyay ee macallin Jose Mourinho ee gegada Old Trafford isagoo kooxda ugu soo biiray qiyaas ahaan adduun lacageed dhan  £30m.

Ivory Coast wiilka u dhashay ayaana bishii Janaury ee sanadkii hore adduun lacageed dhan  £4.5m ugu biiray kooxda uu kasoo dhaqaaqay ee Villareal.

“Waa riyo noqotay run inaan kusoo biiro Manchester United. Inaan ka dheelo kubadda meel sare ayaa ah waxa aan doonayay,” Bailly ayaa sidaa u sheegay mareegta bulsheed ee rasmiyan ay United leedahay.

Laacibkan ayaa 15 kulan u saftay qarankiisa Ivory Coast isagoo sanadkii hore kula guuleystay Koobka qaramada qaaradda Afrika.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan