Home / Habka-Nolosha / Ibrahimovic, Pogba iyo wiilasha Euro 2016 qeybta ka ah ee kooxaha EPL-ka diiradda u saaran + Sawirro

Ibrahimovic, Pogba iyo wiilasha Euro 2016 qeybta ka ah ee kooxaha EPL-ka diiradda u saaran + Sawirro

Waxaa si habsami la’ u soconaya koobka qaramada qaaradda Yurub oo lagu cayaarayo dalka Faransiiska oo taariikhda markii saddexaad marti gelinaya.

Waxaan eegi doonaa toban cayaaryahan oo tartankan ka qeybgalaya oo diiradda u saaran kooxaha ka cayaaraha horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

1. Zlatan Ibrahimovic

SOLNA, SWEDEN - JUNE 05: Zlatan Ibrahimovic of Sweden during the international friendly between Sweden and Wales at Friends Arena on June 5, 2016 in Solna, Sweden. (Photo by Mikael Sjoberg/Ombrello/Getty Images)

Weeraryahanka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa qarka u saaran ku biirista kooxda kubadda cagta Manchester United.

Inkastoo 34 jir uu yahay misna wuxuu doonayaa inuu ka cayaaro horyaalka Ingiriiska oo taariikhdiisa u dhiman.

2. Paul Pogba

METZ, FRANCE - JUNE 04: Paul Pogba of France reacts during the International Friendly between France and Scotland on June 4, 2016 in Metz, France. (Photo by Daniel Kopatsch/Getty Images)

23 jirkaan waa mid kamid ah xiddiga iminka qadka dhexe ka cayaara oo xirfadoodi ay tahay mid sare, muddooyin badan ayuu diiradda u saarnaa kooxda kubadda cata Chelsea.

Inkastoo xirfadiisa yaraanimo qeyb kamid ah uu ku qaatay gobolka Manchester, misna weli gobolkaa ayuu muhiim ka yahay, waxaana wada eeganaya kooxaha Manchester City iyo Manchester United oo uu u soo cayaaray.

3. Alvaro Morata

Spain's forward Alvaro Morata and South Korea's goalkeeper Kim Jin-Hyeon vie for the ball during the Euro 2016 friendly football match between Spain and South Korea at Red Bull stadium in Salzburg, Austria on June 1, 2016. / AFP / WILDBILD (Photo credit should read WILDBILD/AFP/Getty Images)

Waa wiil kale oo u cayaara kooxda kubadda cagta Juventus, waxaa loo saadaalinayaa inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Real Madrid, sidoo kale tartankiisa kooxda eplka ku jira ayaa qeyb ka ah.

Morata ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay da’yarta xirfadda sare leh ee ka qeybta ah tartanka qaramada qaaradda Yurub, waxaana lala xiriirinayaa kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester United.

4. Leroy Sane

GELSENKIRCHEN, GERMANY - JUNE 04: Leroy Sane of Germany looks on after winning the International Friendly match between Germany and Hungary at Veltins-Arena on June 4, 2016 in Gelsenkirchen, Germany. (Photo by Christof Koepsel/Bongarts/Getty Images)

20 jirkaan ayaa ah kii ugu danbeeyay tiro da’yar ah oo Jarmalku soo saaro, horeba kooxo magacyo waa weyn ayaa lala xiriiriyay oo aan ka xusi karo Barcelona.

Manchester City ayaa wiilkan u dhow inay soo gebagabeyso saxiixiisa marka lasoo gebagabeeyo tartanka qaramada qaaradda Yurub.

5. Joao Mario

LEIRIA, PORTUGAL - MARCH 25: Portuguese midfielder Joao Mario during the match between Portugal and Bulgaria Friendly International at Estadio Municipal de Leiria on March 25, 2016 in Lisbon, Portugal. (Photo by Carlos Rodrigues/Getty Images)

Mid kale oo mucjiso u dhigi kara qaranka Portugal ayaa ah soo ifbixidda Joao Mario, hayeeshee waxaa shuuqiyay saaxiibkiisa qaranka Renato Sanches.

Sanches ayaase meeleysmay oo u dhaqaaqay Bayern Munich, iminkase waxat joogtaa Mario oo dalabyo ka helay Chelsea, Manchester United iyo Liverpool oo wada doonaya 23 jirkaan.

6. Ricardo Rodriguez

ST GALLEN, SWITZERLAND - OCTOBER 09: Ricardo Rodriguez of Switzerland in action during the UEFA EURO 2016 qualifier between Switzerland and San Marino at AFG Arena on October 9, 2015 in St Gallen, Switzerland. (Photo by Harold Cunningham/Getty Images)

Waa mid kamid ah da’yarta ugu wanaagsan ee reer Yurub daafaca uga cayaara, saaxiibkiisa qaranka Switzerland Granit Xhaka ayaana u dhaqaaqay kooxda Arsenal.

23 jirkaan Rodriguez oo boos joogto ah ka heysta kooxda Wolfsburg ayaa isna loo riixayaa dhanka kooxda Arsenal.

7. Andriy Yarmolenko

Ukraine's Andriy Yarmolenko celebrates after scoring during the international friendly football match between Ukraine and Wales, on March 28, 2016, at Olimpiyskiy stadium in Kiev. / AFP / SERGEI SUPINSKY (Photo credit should read SERGEI SUPINSKY/AFP/Getty Images)

Inkastoo shaqo wacan uu u qabtay kooxda Dynamo Kiev iyo qaranka Ukraine, 26 jirkaan garabka ka cayaara waxaa lala xiriirinayaa kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Everton.

8. Radja Nainggolan

BRUSSELS, BELGIUM - NOVEMBER 13: Radja Nainggolan of Belgium in action during the international friendly match between Belgium and Italy at King Baudouin Stadium on November 13, 2015 in Brussels, Belgium. (Photo by Claudio Villa/Getty Images)

Wiilkan qaranka Belgium iyo kooxda Roma metela ayaa muddo fogba diiradda u saaran kooxda Chelsea, macallin Atonio Conte ayaana daneynaya inuu soo gebagabeeyo saxiixa xiddigaan.

Chelsea ayaa qorsheyneysa saxiixa Nainggolan inay kusoo gebagabeyso £35million.

9. Leonardo Bonucci

VERONA, ITALY - JUNE 06: Leonardo Bonucci of Italy in action during the international friendly match between Italy and Finland on June 6, 2016 in Verona, Italy. (Photo by Claudio Villa/Getty Images)

Qaarawga daafaca uga cayaara kooxda Juventus iyo qaranka Azzuri ayaa ah wiil kale oo isha ay ku heyso kooxda Blues.

29 jirkaan ayaa sidoo kale muhiim u ah kooxda Manchester United oo xiiseyneysa.

10. Marcelo Brozovic

Croatia's Marcelo Brozovic listens to the anthems ahead the friendly football match Hungary v Croatia in Budapest, Hungary on March 26, 2016. / AFP / ATTILA KISBENEDEK (Photo credit should read ATTILA KISBENEDEK/AFP/Getty Images)

Xiddig kale oo mustaqbalkiisu aanu fadhin waa Marcelo Brozovic oo u cayaaraya qarankiisa Croatia isagoo haldoor u noqon kara dhowr kooxood oo Premier League ka cayaara.

Wiilka Inter Milan ayaana diiradda u saaran Chelsea iyo Arsenal, walow Everton qudheedu ay tartanka ku jirto.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan