Home / Habka-Nolosha / Taageerayaasha Ruushka oo feer iyo laad garoonka uga saaray kuwa Ingiriiska kaddib kulankii xalay + Sawirro

Taageerayaasha Ruushka oo feer iyo laad garoonka uga saaray kuwa Ingiriiska kaddib kulankii xalay + Sawirro

Xulalka Ingiriiska iyo Ruushka ayaa ku wada cayaaray bugcadda Stade Velodrome kulankii ugu xiisaha badnaa kulamada ilaa iminka laga cayaaray tartanka qaramada qaaradda Yurub.

Inkastoo kubad sareysa oo weerar iyo rogaal celis ku dhisan taageerayaashuna jecleysteen ay labada xul soo bandhigeen, misna dhanka kale waxaa socday dagaal ba’an oo u dhexeeyay taageerayaasha labada xul.

Labo maallin oo xiriir ah magaaladda Marseille waxaa ka soconayay rabshado ay sameynayeen taageerayaasha labada xul taa oo keentay in dhowr goor ay booliska magaaladda isfara saaraan.

Cayaartii xalay seerigii u danbeeyay markuu yeeriyay garsoore Nicola Rizzoli waxaa dib u bilowday rabshadihii aan joogsi laheyn, weliba kuwii u darnaa.

Taageerayaal Ruushka u dhashay oo u ciil cunay kuwa Ingiriiska ayaa hujuun lixaad leh kusoo qaaday taageerayaashii Ingiriiska, iyadoo ay feer iyo laad garoonka cayaartu ka dhacday kaga saareen xilli boolisku aanu wax qaban karin.

Weli xal looma helin rabshada ay sameynayaan taageerayaasha labada dal, hayeeshee canbaareyn joogto ah ayay la kulmaan falalkan liita ee kubadda ka baxsan.

1

2

SPT_GCK_110616_UEFA EURO 2016 England v Russia,Stade Velodrome Marseille. Graham Chadwick. Fans in the Russian section during the game

5

6

7

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan