Home / Habka-Nolosha / Slovakia oo feenatay xulka jamaahiirtooda laga yaaban yahay ee Russia

Slovakia oo feenatay xulka jamaahiirtooda laga yaaban yahay ee Russia

Xulka qaranka Slovakia ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Russia oo ay ku wada jiraan Group B.

Cayaarta oo ka dhacday gegada Stade Pierre-Mauroy waxaa u soo daawasho tegay 38,989 taageere waxaana dhexdhexaadiye ka ahaa garsoore Damir Skomina oo u dhashay dalka Slovenia.

Vladimir Weiss ayaa gool dhallinta bilaabay daqiiqaddii 32aad hogaankana u dhiibay xulka qaranka Slovakia.

Dhammaadka qeybtii koowaad musiibada Ruushka ayaa sii korortay markii daqiiqaddii 45aad goolka labaad uu ka dhaliyay Marek Hamsik.

Denis Glushakov ayaa goolka calanka u dhaliyay Ruushka cayaarta oo 10 daqiiqo ay ka dhiman tahay.

Kulan cayaareedka ayaana kusoo dhamaaday guul 2-1 ah oo ay u dabaal degtay kooxda xulka Slovakia.

Slovakia ayaa iminka booska labaad kaga jirta Group B, waxayna dhibco wadaag yihiin xulka booska koowaad ku jira ee Wales oo berito la balansan Ingiriiska.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan