Home / Macluumaad / Dhageyso: Beegsiga roobka iyo dhibaatooyinka u dheer barakacayaasha Badbaado + Sawirro

Dhageyso: Beegsiga roobka iyo dhibaatooyinka u dheer barakacayaasha Badbaado + Sawirro

Badbaado, waa magaca xero barakacayaal oo ku taalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Aasaaska xerada waxaa ku lug laheyd dowladdii hore ee Soomaaliya kaddib abaarihii ku dhuftay goboladda dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011.

Xerada ayaa iminka hoy u ah boqolaal qoys oo reer tabareed ah, xilli soon ay tahay oo caqabado badan ay jiraan.

Magaaladda Muqdisho ayaa maanta roobsaneysa oo wax ka badan 15 saacadood ayay roobab xoogani ka da’ayaan caasimadda, waana culeys kale oo ku soo kordhay barakacayaasha ku jira xeryaha qaxootiga.

Mar aan maanta gaarnay xerada Badbaado ayaan soo xaal wareysanay nolosha iyo duruufaha ku xeeran xerada.

Indhaha ayaa durba qabanaya in macluul xoogan iyo musiibo aan yareyn ay ku xeeran yihiin gees walba oo aad xerada ka eegto.

Baroorta carruurta gaajooneysa ee roobku idleystay calaladii lagu seexin jiray iyo raashiinkii yaraa ee reeraha u yiil hadduuba jiray ayaa dareen xoogan kugu beereysa.

Dhawaqa dhallinta xerada ee ah inaanay quudan dhowr cisho biyo mooyee iyagoo dharaarihiina sooman ayaa ka ilmeysiisay bahdeenii maanta booqatay xerada Badbaado.

Baaqa barakacaayasha xerada ku dhaqan ayaa ah in gargaar lasoo gaarsiiyo.

4

3

2

1

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan