Home / Habka-Nolosha / Poland oo iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee Euro 2016

Poland oo iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee Euro 2016

Kulan cayaareed xiiso badan ayay xulalka Poland iyo Switzerland ku cayaareen gegada Stade Geoffroy Guichard, kulan ay u soo daawasho tageen 38,842 taageere.

Cayaarta gool dhallinta waxaa ku hormaray xulka qaranka Poland, waxaana goolka u dhaliyay daqiiqaddii 39aad wiilka dhowaan ku biiray Manchester City  Jakub Blaszczykowski.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay, cayaartuna ay taagneyd daqiiqaddii 82aad Xherdan Shaqiri ayaa goolka barbaraha u dhaliyay xulka Switzerland si waqtigii cayaarta loogu talo galay ay ugu soo dhamaato 1-1.

Garsooraha Ingiriiska Mark Clattenburg ayaa cayaarta go’aamiyay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daro, waase lagu kala bixi waayay oo la huri waayay in gool ku laadyo la aado.

Granit Xhaka ayaase gool ku laad ka qasaariyay xulkiisa, waxaana cayaartu ay ku soo idlaatay guul ay gaareen xulka Poland oo ku badiyay gool ku laadyo 5-4 ah.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan