Home / Habka-Nolosha / Roy Hodgson oo iska casilay shaqadii uu u hayay xulka Ingiriiska

Roy Hodgson oo iska casilay shaqadii uu u hayay xulka Ingiriiska

Tababarahii xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa gebi ahaanba iska casilay shaqadii uu ka hayay kooxda Saddexda Libaax.

Ingiriiska ayaa ku guuldarreystay inay guul xalay ka gaaraan xulka Iceland iyagoo ku soo haray wareega 16aad ee tartanka qaramada qaaradda Yurub.

Macallinkii hore ee Liverpool Roy Hodgson ayaana kaddib jabkii xanuunka badnaa ee kasoo gaaray Iceland xaqiijiyay in shaqadii uu xulkaa u hayay gebi ahaanba soo gebagabeeyay.

Gary Neville and Ray Lewington oo ah caawiyaasha Hodgson ayaa iyagana shaqada ka tegay sida uu tababarahoodu xaqiijiyay, si xulka ay ugu ogolaadaan  inuu isbedel sameeyo.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan