Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / 03 Decemeber – Maalinta Caalamiga ee Naafada.

03 Decemeber – Maalinta Caalamiga ee Naafada.

Muqdisho – Xuska sanadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Naafada waxaa sanadkii 1992-kii asteysay QM. Ujeedku waa ilaalinta xuquuqda iyo bad-qabsanaanta dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay ee ku jira dhammaan bulshooyinka iyo in sare loo dhigo wacyiga la xiriira xaaladaha ay ku nool yihiin dhan walba – siyaad ahaan, dhaqan ahaan iyo bulsho ahaan.

Kadib dadaallo qaatay sanado badan oo QM ay ugu kuur-galeysay xaaladaha dadka naafada, Cahdiga Ilaalinta xuquuqda dadka laxaadka la’ wuxuu dhaqan-galay sanadkii 2006, waxaana sidoo kale ay qeyb ka yihiin hiigsiga 2030 ee Barnaamijka Joogtada ah  ee Horumarinta fog ee QM.

Ajendaha hiigsiga wuxuu ku niyad-weyn yahay in qofna aan gadaal looga tagin. Dadka naafada ah ee qaba baahiyaha gaarka ahna waxay leeyihiin mudnaan sarreysa.

Dadka naafada waxay kamid yahay qeybaha aadka ugu nuglaada caqabadaha nolosha. Dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxay leeyihiin hannaan caafimaad oo liita: horumar hooseeya oo dhinaca tacliinta ah:  ka qeyb-gal yari dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo heer aad u sarreeya oo faqri ah oo ay ku sugan yihiin.

Naafanimada hadda waxaa loo gartay inay kamid tahay xuquuqda aadanaha. Dadka waxay ku naafoobaan falal ay ku hayaan bulshada: ee iyagu iskuma hayaan naafanimada. Caqabadaha heysta waxaa looga adkaan karaa, haddii dowladaha, ururrada aan dowliga ahayn, xirfadleyda iyo dhibanayaasha naafada iyo qoysaskooda ay wada shaqeeyaan.

Tiro ka badan hal bilyan oo qofood ayaa la nool nuucyada kala duwan ee naafanimada ama 15% dadweynaha caalamka. Tiro u dhaxaysa 110-190 milyan oo da’da weyn ah ayay ku adag tahay inay howl-galaan. Heerka naafanimadu wuu sii korayaa iyada oo loo celiyo da’da ku socta iyo yaraanta adeeg caafimaad oo halhaleel ah.

Bulshooyinka ku nool dalalka dakhli ahaan hooseeya ayaa ah kuwa naafanimada la nool in ka badan dalalka horumaray. Naafanimadu waxay ku badan tahay haweenka, dadka da’da ah iyo carruurta.

Dadka qaba baahiyaha gaarka ah aalaaba mahelaan daryeelkii caafimaad oo ay u baahnaayeen. Carruurta naafada ah waxay u badan tahay inaysan xaadirin iskuullada sida  carruurta kale. Nasiib-darro, naafadu waxay sidoo kale u badan tahay inaysan helin shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda si lamid ah kuwa kale oo aan naafada ahayn. Waxaana run qaraar ah in naafadu ay aad ugu nugul yihiin faqriga iyo macluusha.

Dalal badan waxaa ka jira adeeg caawimaad oo aad u kooban. Xog laga ururiyay dalalka koofur Afrika waxaa lagu sheegay in kaliya 26-55% naafada ku nool ay helaan daryeelkii ay u baahnaayeen. Halka 17-37% ay helaan qalabka kaalmaatiga sida kursiga lagu socdo, biraha lagu boodo iyo wixii lamid ah.

Waxaase jirta xaqiiq aan la wada qirsaneyn oo ah in dadka naafada ah ay u noolaan karaan sida dadka kale: qeybna uga qaadan karaan horumarinta bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin.

40% dadka naafada si guud uma helaan inay daboolaan baahidooda, mana lasiiyo qaab ay noloshooda isku filnaansho uga gaari karaan. 70% naafada ku nool Maraynka waxay ku tiirsan yihiin xoogga ehelladooda ama asxaabtooda.

Ilaa iyo hadda, Cahdiga Xuquuqda Naafada waxaa saxiixay in ka badan 170 dal. Halka 130 dal oo kale ay rumeysan yihiin hir-gelinta iyo ku dhaqanka Cahdiga.

Teedka ku horgudban naafanimada waxaa looga adkaan karaa: in adeeg guud iyo wacyi midaysan loo yeesho: in naafada loo maal-geliyo barnaamijyo gaar ah oo lagu horumarinayo: in qorshe qaran iyo taabba-galin loo sameeyo baahiyahooda: in loo fidiyo fursad wax-barasho, tababbaro iyo howl-gelin: iyo in la xaqiijiyo is-dhex-galkooda bulshada iyo wax-ku-oolnimada ay u yihiin horumarinta dalka iyo dadka. Waana baaq ku socda dowladaha adduunka.

Balse taasi ma ahan mid si guud iyo halhaleel ay uga jawaabi karaan dowlado badan siiba qaaradda Afrika. Halka la is-weydiinayo haddii Naafada adduunka loo heli karo xuquuq dhameystiran oo ay, sida dadka kale, raaxo ugu noolaan karaan dhulkooda, haddana naafo kasta ma ahan mid qeyla-dhaantaas qeyb ka ah. Dalal badan, sida Japan, dadka naafadu waxay goor hore ku raaxaysteen isku filnaansho u suura-gelisay in – tusaale ahaan kuwa araga la’ ay kaalmo la’aan ku safraan meel walba oo dalka kamid ah. Jid ama laami kasta waxaa loo sameeyey waddooyin gaar u ah dadka araga la’.

Haddii la qoto dheer loo fahmo xikmadda Martina Navratilova uu ku leeyahay: naafanimadu  waa xaalad ku dhisan sida laguu arko. Haddii aad og tahay inaad wax qaban karto, ogow qof ayaa kuu baahan, waxaan dhisi karnaa aragti fiican oo suura-gelisa inaan wadajir iskaga kaashanno horumarinta nolosheenna.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan