Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Maqaal – Qorshaha lagu qabsanayo Quddus ku siman Qarni.

Maqaal – Qorshaha lagu qabsanayo Quddus ku siman Qarni.

Muqdisho – Quddus waa mid kamid ah magaalooyinka ugu da’da weyn koonkaan. Waxa ay kulansatay saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yuhuudda.

Qarniyo wada noolaashiyo iyo is-maan-dhaaf  loolan ka dhashay ayay soo martay magaaladan marka dib loo raaco sooyaalkeeda.

Tiro dhawr jeer ah waxa ay marti u noqotay duullaan, dumin iyo dib-u-dhisid magaaladan luqadda cibriga Yuhuuddu ugu taqaan Jerusalem.

Sheekooyinka loolan ee magalaaladan waxa ay dhamaantood dib ugu laabanayaan saddexda diimood oo ay kulmiso, jeer qolo walbaahi dhankeeda kala midaysantahay aragti ahaan Qaddarin iyo dhul barako.

Xuddunta Magaalada waxa ku midaysan qaar kamid ah dhismooyinka ay qaddariyaan Muslimiinta, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta. Sida Masjidkii laga dheelmiyay Nabigeenna NNKH ee Xaramu Shariif, Kaniisadda kulmisa Masiixiyiinta oo sanadkiiba mar isugu yimaadaan iyo Darbiga Bureeq oo ay Yuhuudda ula baxeen Gidaarkii Baroorta.

Shirqoolkii loo maleegay Quddus boqol sano kahor.

Kahor dhamaadka dagaalkii koowaad ee dunida gaar ahaan 2 Nov 1917-kii, xog-hayihii umuuraha dibadda ee Biritan, Arthur Balfour ayaa warqad u qoray bangiga British-ka iyo mid kamid ah hoggaamiyayaasha Yuhuudda ee Britain, Baron Rothschild taas oo  horseeday aas’aaska dowlad Yuhuud ah  iyo dagaalo diidmo ku dhisan oo ka dhacay Bariga Dhaxe.

Qoraalkaas oo loogu magac daray Wasiirkii arimaha dibadda Biritan ee waagaas qallinka dul-dhigay ayaa iminka ku caan baxday baaqii Balfoor (Balfour Declaration), waxaana ku caddaa sida Ingiriiska u arko dhaq-dhaqaaqii Sahyuuniyadda ee ku salaysnaa sidii dawlad Yuhuudi leedahay looga unki lahaa dhulka reer Falastiin.

Al-Aqsa Mosque,Xaramul Quddus Al-shariif waa dhismaha saddexaad ee ugu qaddarinta mudan muslimiinta, waa halkii laga dheelmiyay Nabigeenna NNKH, Kumanaan muslimiin ah ayaa daafaha caalamka uga yimaada Masjid-ka sanadkiiba mar ama bisha ramadaan si ay ugu cibaadeystaan.

Inkastoo aysan warqaddaas si cad uga muuqan taageerada dawladda Ingiriiska ee ka yagleelidda dhulka reer Falastiin dawlad Yuhuudi leedahay, haddana Britan waxa ay door siyaasadeed oo muuqda ku laheyd bud-dhigii 31 sano kaddib qoraalkaas dawlad Yuhuudi leedahay.

Waxaana aragtidaas sii xoojiyay markii xoogagga biritan oo uu horkacayay General Allenby ay gudaha u galeen Magaalada Quddus December 1917, kaddib burburkii Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta iyo isaga bixitaankii askartii Turkiga. Waagaas Quddus waxa ay caasimad u aheyd dawladda Falastiin sida ku cadeed qaraarkii League of Nation.

Dhawr sano dabadeed dhammaadka dagaalkii koowaad ee dunida, Yahuudda waxa ay bilawday inay u hijrooto dhulka reer Falastiin maadaama Ingiriisku gacanta ku hayay, waana markii Mufti Yuhuudiya uu ku baaqay in lala dagaallamo Carabta, inkastoo Ragheb Al Nashashibi oo Falastiiniya uu Quddus madax ka ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 1920-kii ilaa 1934-kii.

1936-kii waxa magaalada Quddus ekeeyay weerar looga soo horjeeday joogitaanka Ingiriiska ee dhulka reer Falastiin halkaas oo ay isaga carareen Yuhuudda qaar.

Falastiin waqtigaas kaddib waxa ay gashay xasarado, waxa ay socdeen ilaa dagaalkii labaad ee dunida, inkasta oo deganaan aan buurneyn ay gashay Quddus billawgii dagaalka labaad, haddana inta uusan dhammaan waxa dib ugu soo laabtay qalalaasihii.

Darbiga Bureeq oo Yuhuudda ula baxeen Wailing Wall ama Darbiga Baroorta, waxa ay rumeysan yihiin inuu yahay haraadiga dhaxalkooda, waxana sanadkiiba mar Yuhuudda caalamka booqasho ku timaadaa goobtaas si ay u barakeystaan salaadna ugu tugadaan.

1947-kii waxa si rasmiya u dillaacay rabshado ballaaran oo ekeeyay Carab iyo Yuhuud, waxa ayna isaga direen halkii loo badnaa labada dhinac dad aad u fara badan. Isla sanadkaas ayaa lagu kala qeybiyay Falastiin qaraar kasoo baxay QM.

Ka bixitaankii dhulka reer Falastiin ee Ingiriiska 14 May 1948-kii, waxa lagu dhawaaqay Dawlad Yuhuud ah, waxana billawday dagaal xoogan, waxay ayna ku qabsadeen Quddusta Galbeed, halka Jordanna ay la wareegtay xaafadihii qadiimiga ee Qudusta Bari, waxayna taas keentay in magaaladu noqoto mid u kala qeybsan Carab iyo Yuhuud.

1949 ayay Yuhuuddu iclaamisay in Quddus ay tahay caasimadda dawladda Yuhuudda, iyada oo aqoonsi ka heysan beesha caalamka. Waxayna ku qaadatay in xafiisyada dawladda qaarkood loo soo diray quddus dhawr sano.

1967 Quddus  waxa ay si cad ugu kala qeybsantay bari iyo galbeed, isla sanadaas bishii June ayay Yuhuudu qabsatay Daanta Galbeed oo ay hoos timaado Quddus, waxayna kala dirtay maamulkii Quddusta Bari, una magacawday maamul iyada hoos taga, markaas ayayna ku dhawaaqday Yuhuudda in dhulka ay ka arimiso ka mid yihiin.

QM ayaa soo saartay go’aanno lagu canbaareynayay dhawaqqa Yuhuudda, hase ahaatee dhagaha ayay ka fureysatay. Sidoo kale, beesha caalamka ayaa iyana dhankeeda ku garab noqotay Falastiin iyo Carabta una aqoonsatay dhul Falastiin oo xoog lagu heysto.

Sanadkii 1980-kii Kaniisadda Yuhuudda ayaa meel marisay Quddus inay tahay magaalo madaxdooda, waxaana ka dhashay caro xooggan oo caalamka ka timid, balse iyaga waxa ay u aheyd tallaab ay horay u qaadeen.

Kaniisadda Qiyaamaha waxa ay midaysaa dhammaan masiixiyiinta ku kala daadsan dunida, waxaana maamulka kaniisadaas gacanta ku haya wakiilo kala matala kaniisado kala duwan, oo ay ka mid yihiin Greek Orthodox Patriarchate, the Franciscan Church of the Roman Catholic Church and the Armenian Patriarchate, as well as the Copts, the Ethiopians, the Syriac Orthodox Church.

Yuhuudda ayaa dardar-gelisay dhisidda deegaannada hoos yimaada magaalada Quddus intii uu socday kacdoonkii ugu horreeyay 1987-1993-kii dhawaaqii kaniisadda kaddib.  Dabadeed magaaladani barakaysan waxa ay marti-gelisay rabshado cusub, oo ugu weynaa kuwii Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta ku dhex-maray jidadka waaweyn ee magaalada sanadii 1990-kii.

Gudub Siyaasadeed

Sanadii 1993 waxa magaalada Oslo ee dalka Norway ka dhacay is-afgarad u dhaxeeyay Falastiin iyo Yuhuudda, waxana lagu tilmaamay gudub ama is-bedel siyaasadeed oo weyn, waxa Falastiin loogu ogolaaday in hey’adaha  hoos taga Ururka Xureynta Falastiin ka hawl-gali karaan Quddus, iyo in carruurta ku dhasha ay ka qeyb qaadan karaan codeynta doorashada golaha qaran ee Falastiin.

Heshiiskaas kaddib, Yuhuudda waxa ay bilawday habab dahsoon oo ay kula wareegi karto Qudus, waxa ay kordhisay tirada yuhuudda deegaansaneysa oo ay gaarsiisay 70% halka 30 % ay ku soo uruureen Falastiiniyiinta, kaddib waxa ay si tartiib tartiib ah ku bilaabeen inay kala laabtaan xaqqa degenaashiyaha muwaadiniinta reer Falastiin ee xudduntooda ku aasan tahay magaalada sababo u laabanaya guryo yari iyo burburka dhismooyinka maadaama aan  la siin ruqsadii ay ku dayactiran karaan.

Sanaddii 2000, Madax-weynihii Mareykanka, Bill Clinton ayaa ku fashilmay in miiska wada hadalka uu ku soo celiyo madax-weynihii Falastiin ee xilligaas Yaasir Carrafaat iyo Ehud Barak RW Yahuudda, waxaana dabadeed Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ka billawday rabshado kale.

Sanadkii 2003, Yuhuudda waxa ay daah furtay dhismaha gidaar kala xadeeya labada dhinac oo boqolaal KM ku fadhiya, si ay uga hakato weeraradii naf-hurnimada ee shuhada reer Falastiin, waxaana xilligaas ka gadaal ku kacay beesha caalamka oo si mid ah ugu aragtay gidaarkaas mid xagal daacinaya geedi socodkii nabadda ee labada dhan.

Hayeeshee 2004 Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICG ayaa ku tilmaantay teedka Yuhuudda ay dhisayso mid hareer marsan qaynuunka caalamiga ah, sidoo kale gacan ku heynta Yuhuudda ee qudusta bari iyana tahay mid ka dhan ah sharciga adduunka.

Wixii intaasi ka danbeeyay xaalka labada dhinac waxa uu u dhaxeeyay wada hadal iyo is-qoonsi gacan ka hadal u danbeeya. Sanadba sanad kale ayuu usii dhiibayay, qaddiyadda labada dhinac ee Quds-na  waxa loo aqoonsaday mid cimrisay.

Geesta Falastiiniyiinta, Qudus waxa ay ka tahay boog damqata tallaab walba oo dhankeeda loo qaado, Yuhuuddana waxa ay u aheyd dhawaqa kaliya oo uu ku sasabto ruuxa u taagan hoggaanka Mareykanka, marka aan eegno ballan-qaadyadii Bill Clinton, Jorge Bush iyo Barack Obama iskaba daa Trump oo ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii ol’olaha doorasho.

Ilbiriqsi walba oo ay saacadu jarto waxa ay soo gaartay lixdii-kii bishan, waxaana mar qura sida horay loo ogaa kasoo baxay Aqalka Cad meelmarinta qorshihii boqol sano kahor loo dajiyay in Qudus mar ay noqoto caasimadda Yuhuudda.

Balse xaalku waxa uu dhoolla ka qosol u noqday intii ku mideysnayd go’aanka Qudus loogu magacaabay caasimadda Yahuudda markii kulama is xig-xigay oo ay yeesheen waziirrada arrimaha dibadda  Jaamacadda Carabta iyo hoggaamiyaasha dunida Muslimk ay kusoo koobmeen ‘waan cambaareyneynaa qudusta barina waa caasimadda Falastiin.’

Qore: Ismaaciil Maxamed Samatar.

Farriin-danabeed; Zeema200@gmail.com

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan