Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Layaab: Real Madrid oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara horyaalka Mareykanka

Layaab: Real Madrid oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara horyaalka Mareykanka

Muqdisho – Weeraryahanka Los Angeles Galaxy Zlatan Ibrahimovic ayaa u muuqda mid la yaab leh oo ku aadan inuu diirada u saaran yahay kooxda heysata horyaalka yurub ee Real Madrid.

37 jirkaan ayaa saameyn degdeg ah ku yeeshay horyaalka Major League Soccer tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester United bishii March, isagoo dhaliyey 22 gool isagoo 7 gool ka dhaliyay 27 kulan oo kaliya.

Cadena COPE ayaa sheegeysa in Ibrahimovic uu haatan ku soo laabanayo horyaalka La Liga,laacibkaan ayaa 2011 ka tegay Barcelona, madaama Madrid ay raadineyso xilli ciyaareedka soo socda.

Los Blanco’s ayaa ku guuldareysatay inay hesho bedelka gooldhaliyihii ugu goolasha badnaa kooxda ee Cristiano Ronaldo,waxayna ku guuldareysatay in ay gool dhaliso 481 daqiiqo.

Laacibka reer Sweden Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee xilli ciyaareedkaan horyaalka MLS, waxaana laacibkaan uu soo gabagabeyn doonaa 1da Janaayo.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan