Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Imisa sanno ayuu Martial u saxiixi doonnaa kooxda Man Utd

Imisa sanno ayuu Martial u saxiixi doonnaa kooxda Man Utd

Muqdisho – Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas shan sano ah u saxiixi doono kooxda.

Mustaqbalka Martial ayaa xagaagii lasoo dhaafay aad isku soo tarayey, iyadoo xiddiga heerka caalami ee reer France uu doonayo inuu ka tago Old Trafford si uu u raadiyo koox uu boos joogta ah ka heli karo.

22 jirkaan ayaa wakhtio fiican ka helin qorshaha tababare Jose Mourinho xilli ciyaareedkii hore, taasi oo keentay inuu ka laga reebo xulka France,kuwaasi oo guuleystay Koobka Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Martial ayaa tan iyo markii uu kamid noqday qorshaha Mourinho, wuxuu dhaliyay seddex gool labadii kulan ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray, oo ay ku jirto laba gool uu dhaliyey kulankii barbaraha sabtidii ay la ciyaareen Chelsea.

RMC Sport ayaa sheegaysa in weeraryahanku uu diyaar u yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku joogayo Old Trafford.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan