Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Koox burcad daanyeero ah oo dhagax ku dilay 72 jir u dhashay dalka Hindiya

Koox burcad daanyeero ah oo dhagax ku dilay 72 jir u dhashay dalka Hindiya

Muqdisho – Sida laga soo xiganayo warsidaha “Times of India”, kooxo burcad daanyeero ah ayaa dhagax la dhacayay 72 jir u dhashay Hindiya ilaa uu ka geeriyoodo, Magaalada Thakri, ee gobolka Uttar Pradesh, ayaana laga soo warinayaa warkaas murugada xanbaarsa.

Wargeyska ayaana sheegaya in ninkaan da’da ah uu xaabo guranayay xilligii ay musiibadu qabsaneysay, daanyeerada ayaana durbaba marka ay arkeen ku bilaabay dhagxaan ay ka soo gurteen dhismo burbursan oo ka ag dhawaa goobta.

Walaalka 72 jirka geeriyooday ayaa la wadaagay warbaahinta in ku dhawaad 20 dhagxaan ah ku dhufteen, taas oo keentay in dhaawacyo halis ah ay ka soo gaaraan madaxa iyo laabta, ugu danbeynna uu ku geeriyoodo cusbitaalka.

Dadka deegaanka ayaa in muddo ahba ka cabanaya nuuc ka mid ah daanyeerada oo ay ku sheegeen in noloshooda u rogeen wax ay la masaaleen “Jahannamo”.

Khubarada duurjoogta ah ee Hindiya ayaa sheegaya in weerarada dhimashada ku danbeeya ay yihiin kuwa ku soo kordhaya guud ahaan dalka, Islamarkaana ay dadku kala kulmaan nuuc ka mid ah daanyeerada.

Daanyeerka ayaa xurmeysan marka la joogo dhaqanka iyo hiddaha dalka Hindiya, maamulka dalka ayaana si gaar ah isaga xil saara ilaalintooda.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan