Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Miyuu Sadio Mane diyaar u yahay kulanka Red Star Belgrade mise?

Miyuu Sadio Mane diyaar u yahay kulanka Red Star Belgrade mise?

Muqdisho – Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Liverpool Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday inuu taam u yahay inuu ku soo bilowdo kulanka Champions League ee kooxdiisa ay la ciyaarayaan Red Star Belgrade Arbacada.

Mane ayaa dhaawac ku soo gaaray intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah, laacibkaan ayaa lagu sameeyay qaliin, isagoo seegay kulankii sabtida oo ay 1-0 kaga badiyeen Huddersfield Town.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Senegal ayaa u sheegay kooxdiisa inuu si buuxda u soo kabsaday, waxaana uu diyaar u yahay inuu tababarka ku soo laabto ka hor kulanka arbacada ee Anfield.

Mane ayaa haatan lafilayaa in uu si wadajir ah xagga weerarka kula soo muuqdo xiddigaha Roberto Firmino Mohamed Salah.

Liverpool ayaa weli ka niyadjabsan dhaawaca kabtanka xulka Jordan Henderson, ka dib markii markii bedel lagu sameeyay kulankii Huddersfield, sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa badisay hal kulan islamarkaana hal kulan laga badiyay Group C xilli ciyaareedkan.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan