Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / David de Gea: “Waxaan diirada saarayaa guusha”

David de Gea: “Waxaan diirada saarayaa guusha”

Muqdisho – Goolhayaha Manchester United David De Gea ayaa wareysi siiyey  Sky Sports isaga oo ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaagan.

David de Gea ayaa ku adkeysanaya inuu diirada u saaran tahay inuu guuleysto kulamada Manchester United ay la ciyaareyso kooxaha kale, taasi oo ku sheegay in aan hadda laga hadli wax ku saabsan heshiis cusub.

Goolhayaha reer Spain ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagna, inkastoo United ay heysto fursad ay ku sii dheeraan karto heshiiskiisa sannadkan, waxaana wadahadaladu ay socdaan dhowr bilood.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa jimcadii sheegay inuusan ku kalsooneyn De Gea oo qandaraaska kordhin kara,laakiin waxa uu ku booriyay kooxda inay ku sii hayaan.

Wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Sky Sports ka hor kulanka Manchester United ee ay la ciyaarayaan Everton axadda,De Gea ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado wax wadahadalo oo ku saabsan heshiis cusub.

“Waa maxay arrimaha muhiimka u ah kooxda iyo dhamaanteen waxaan diirada saareynaa waxa aan u baahanahay inaan diirada saarno, taas oo ah guulo waa weyn, halkii heshiis ama mowduucyo kale oo noqon kara carqalado.

“Waxaan heysanaa kulan muhim ah oo aan la leenahay Everton, waxaana heysanaa kulamo dhowr ah bilaha soo socda, waxaan qabaa inay taasi tahay arrin muhiim ah,halkii laga fikiri lahaa wax kasta oo kale.”

“Waxaan halkaan joogaa xilli ciyaareedyo badan, sida aan sheegnay, waxaan joogay kooxda muddo sideed xilli ciyaareed ah, waan ku faraxsanahay halkan.Waxaan mar walba dareemayaa diiranaan ka imaaneysa taageerayaasha iyo qof walba oo ka shaqeeya kooxda.”

Qaab ciyaareedka United iyo mustaqbalka Mourinho ayaa sidoo kale mawduucyo badan ku yeeshay doodaha isbuucyadii u danbeysay, iyadoo kooxda ay ku jirto kaalinta 10aad ee Premier League kaddib markii laga badiyay seddex kulan xilli ciyaareedkaan.

De Gea ayaa sidoo kale su’aal laga keenay ka dib Koobkii Adduunka ee Spain, laakiin 27 jirkaan ayaa sheegay inuu aad u mashquulsan yahay inuu ku laabto wadahadalada qandaraas kordhinta ,islamarkaana uu ku dhibtoonayo inuu xoogga saaro ciyaarta.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan