Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Maxaan kaga doorbidnaa barashada Ingiriiska luqadda carabigga?

Maxaan kaga doorbidnaa barashada Ingiriiska luqadda carabigga?

Muqdisho – Dastuurka Soomaaliya waxaa rasmiyan ugu dhigan labo luuqad oo kala ah; Afsoomaali iyo Carabi, afka hooyo ee Soomaaliga ayaa labo u sii qeybsama kuwaas oo kala ah, Maay iyo Maxaa tiri, inkastoo ay jiraan lahjado kale oo lagaga hadlo dhulka ay Soomaalida degto ee geeska afrika.

Dhulka Soomaaliya waxaa ka soo arimiyay luuqadahoodana ku faafiyay gumeystetaal kala afaf ahaa sida Italy, England iyo France, saddaxdaan dawlad iyo isticmaarradii kalaba waxay ku dadaaleen inay luuqadahooda xididada ugu aasaan meelihii maamulkooda hoos tagayey.

Xilligii gumeystaha ma qorneyn afka hooyo, taa waxa ay dawladadan u sahashay inay afkooda ka dhigaan mid laga adeegsado meel walba sida xarumaha dawladda iyo wax-barashada,balse dadweynaha oo waagaas u badnaa miyiga awgeed, waxay ku dhaganaayeen afkooda hooyo. Ka hor inta aysan imaan waddanka dawladahaas, Shacabka Soomaaliyeed waxay ku xirnaayeen Dadyowga carbeed, waxa ay is dhaafsan jireen ganacsi, Soomaalidu waxay u xereysan jirtay dhulka carabta, dalkeennana waxa imaan jiray dad carab.

Dhul-mareenkii Ibnu Batuuta mar uu yimid Soomaaliya waxa lagu qiyaasay qarnigii 14aad, marka laga soo tago lahjado maxalli ah oo uu ku arkay Soomaalida waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la macaamili jireen qowmiyado carabi ku jirto, sida Masaari. Marka ay dadkennu farriimo isku gudbinayaan siiba midda qoran, waxay isugu qori jireen af carabiga, waxaa loo diraha u qoraya ama diraha u aqrinaya qof yaqaan, haddii aysan aqoon iyagu, waxaa xilligaasi yareyd in Soomaalidu luuqad kale adeegsato.

Iyaga oo sidaa isugu xiran, waxaa dalka soo galay gumeystiyaashii reer yurub, sidaa oo ay tahay ma uusan baabi’in xiriir wanaaggii ka dhaxeeyay Soomaaalida iyo carabta ee ku saleysnaa xagga afafka, maadaama diinta ay ku soo degtay kuna qoran tahay afka carabiga, balse gaabis baa jiray. Markii ay Soomaaliya madax-bannaaniga heshay, waxaa bilowday olole wajiyo badnaan ah, oo diiradda lagu saarayay sidii afka Soomaaliga loo qori lahaa, wadamadaas waxaa bar-bar socday dadaal kale oo ay wadeen dawladihii gumeysiga, kaas oo ay ku doonayeen in hab qoraalka af-Soomaaliga lagu saleeyo luuqaddooda.

Damacii dawladahaas si buu u dhaqan galay oo af-Soomaaliga is jiid-jiid dheer kaddib waxaa lagu qoray laatiin, marka la qorayo luuqad ma ahan hawl sahlan waxa ay u baahan tahay aqoon iyo dhaqaalle culus, labadaana dawladihii carbeed lagama helin. Markii la ebyay qoraalka xilligii kacaanka, waxaa dadka lagu boorin jiray inay wax ku qoraan lana akhriyo, waxna ku bartaan luuqadda carabiga, balse englishka ayaa ka awood badnaa marka si loo fiiriyo. Hase ahaatee markii dawladdii dhexe ay dhacday af carabiga ayaa madaxa la soo kacay.

Kaddib burburkii waxaa dalka yimid hey’ado waxbarasho oo isugu jira jimciyado iyo dallado maxali ah, kuwaas oo hoos imaan jiray dalal carbeed ama taageero ka heli jiray, sidoo kale dalka waxaa dib ugu soo guryo noqday dad ka imaaday dalalka carbeed,waxaa markaas bilowday wax-barasho ku saleysan af-carabi, taas waxay horseeday in la furo iskuulo gaar loo leeyahay,oo ku baxaya luuqadda carabiga.

Sidaas ayay sanado badan ku socotay wax-bashada Soomaaliya bur-burka ka dib, hase ahaatee markii dalka laga hirgaliyay jaamacado, waxaa dib u soo labo-kaclaysay luuqadda eglnish-ka, taas oo hadda xiisaheeda aad u sarreeyo.

Jiridda arrinkan waxaan ku ogaan karnaa dhawr arrimood, midda aan anigu ku garowsaday waxa ay aheyd, waxaan tagay qaar kamid ah iskuullo badan oo lagu barto luuqaddaan, waxaan xarumahaas ku arkay da’yar iyo duqow u heelan barashada English-ka. Qaarkood da’doodu horay ayey u siyaaday, waxa ay ii sheegaan inay barashada English-ka uga fursan waayeen shaqooyinka, waxa ay isugu jiraan kuwo kolkii hore wakhti u waayay barashadeeda iyo saluugsanaa maadaama waagoodii aan sidaan loo xiisen jirin.

Markaad is bar-bar dhigto iskuulada luuqadda carabiga wax lagu dhigo iyo kuwa English-ka ku baxa, shaki la’aan waxaa badan Englishka, waa marka aad joogtid Soomaaliya, xusuusnow waana luuqadda labaad ee dalka dastuurigan ku dhigan! Tani markii hore waxay ila noqotay layaab, balse waxaan ogaaday in daneynta English ay nala qabaan dadka carabta xittaa, waxaa ku hadla luuqadan 1.5 billion, waxa ay ka dhigan tahay 20% dadka dunida inay ku hadlaan English, badankooda ma ahan dhalad, dadka ay u tahay luuqadooda koowaad, waxaa lagu qiyaasaa 360 million. Dhinaca kale waxaa la filayaa inay bataan tirada dadka ku hadla.

Africa dadkeeda waxaa lagu qiyaasaa 1.2 billion, marka la isku geeyo kuwa bartay luuqadda English-ka iyo kuwa ay u tahay afkooda koobad waa 700 million qiyaastii. Waan boorinayaa da’yarta iyo duqowda baranaya luuqadda Englisha, balse Waxaa ila mudan inaan laga tagin barashada luuqadda carabiga, si aysan u dhicin inuu yaraado fahamka dadka diinta?

Qore: Axmed Maxamed Maxamuud

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan