Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Willian: “Chelsea kama cabsaneyso koox  Premier League ka tirsan xagaagaan”

Willian: “Chelsea kama cabsaneyso koox  Premier League ka tirsan xagaagaan”

Muqdisho – Wareysi gaar ah uu bixiyey ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Willian ayaa amaanay saameynta uu ku yeeshay kooxda Maurizio Sarri tan iyo markii uu yimid xagaagan.

Willian ayaa aaminsan in Chelsea aysan cidna ka cabsaneynin Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu si wacan u bilowday tababare Maurizio Sarri.

Chelsea ayaa u safreysa Burnley axadda iyadoo Blues ay ku jirto kaalinta 3aad ee Premier League, labo dhibcood ayayna ka dambeysa Manchester City iyo Liverpool.

Isagoo hadlayey xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa yiri: “Waan ognahay sida ay muhimka u tahay inaan ciyaaro kulan weyn oo aan gool dhalin karno daqiiqadihii ugu danbeeyay kulankii aan barbaraha la galnay Manchester United,taasina waa mid cajiib ah.

“Ma jirto cid ka cabsaneysa kooxaha Premier League xilli ciyaareedkan,waxaan heysanaa koox dagaalami doona illaa iyo dhammaadka waxaan hubaa inaan sameyn doono taas. ”

30 jirkaan ayaa aaminsan inuu isbedel ku yimid Chelsea – Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad, iyadoo 30 dhibcood ka dambeysa Manchester City xilli ciyaareedkii hore –isbedelkaas waxaa doorka ugu sarreya leh Sarri, kaasoo bedelay Antonio Conte.

“Waxa ay aheyd bilow aad u fiican, waxaan ciyaaray kubad fiican, waana wax iska cad in taasi uu danbeeyo Sarri,” ayuu yiri Willian.

“Sida uu u shaqeeyo,Waa wax walba oo ku saabsan kubada cagta wanaagsan, waxaana uu ina siiyay fursado dheeraad ah si aan u muujino tayadeena. ”

Willian ayaa kamid ahaa dhowr shaqsi oo lala xiiirinayo in ay ka tegayaan garoonka Stamford Bridge xagaagii lasoo dhaafay,iyadoo xiriirka uu lahaa  Conte u muuqday mid aad u xun.

Laakiin Willian ayaa qirtay in niyadda ciyaartoyda  uu haatan sare u kacay qolka dhar badalshada tan iyo markii Sarri la wareegay kooxda.

“Halkan uma joogo inaan dhaleeceeyo maamulayaasha kale ama sida ay u shaqeynayeen, sababtoo ah maamul kasta wuxuu leeyahay falsafad u gaar ah,” ayuu raaciyay

“Haatan qof walba waa arki karaa Chelsea, waa koox fiican, Sarri waa nin aad u fiican – waa nin caqli badan, waa tababare aad u fiican oo waqti kasta nala wadaagaya wakhtigiisa.

“Mararka qaar wuxuu leeyahay waxyaabo badan oo xiiso leh iyo kaftan,mararka qaarkood taas oo ah mid wanaagsan in lagu xakameyn karo jawiga sare. “

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan