Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Ivan Rakitic: “Real Madrid ma ahan mid xariif ah”

Ivan Rakitic: “Real Madrid ma ahan mid xariif ah”

Muqdisho – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic ayaa soo jeediyay in Real Madrid ay u fududahay kooxda reer Catalan in ay ka guuleysato kulanka El Clasico.seddexleey uu dhaliyay Luis Suarez ayaa Barca ka caawisay inay 5-1 kaga  badiso garoonka Camp Nou.

Real Madrid oo ay u badan tahay inay ceyriso Julian Lopetegui isbuucaan ayaa dib ugu soo laabtay ciyaarta 2-1 kulankii xalay, laakiin Rakitic ayaa soo jeediyay in kooxda heysata Champions League aysan aheyn mid xariif ku ah marka ay isku dayayaan inay barbareeyaan kulanka.

Xiddiga reer Croatia oo wareysi siiyey Marca ayaa yiri: “Madrid ma ahan mid xariif ah markii ay heleen fursad ay ku barbareeyeen kulanka, waxaan awoodnay inaan helno xakameyn badan oo xagga weerarka ah”.

“Waxaan ciyaaray kulan weyn daqiiqadii ugu danbeysay, waxaan si buuxda uga sarreeynay natiijada iyo qaab ciyaareedkeena, goolka saddexaad ayaa naga caawiyey wax badan, sababtoo ah markii aan dhalinay wuxuu nasiiyey niyad wanaag, wuxuuna noo ogolaaday inaan u ciyaarno si dabiici ah mar kale. ”

Barca ayaa haatan todobo dhibcood ka sarreysa naadiga Real Madrid.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan