Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caruurta / In ka badan 90% Caruurta dunida waxay qaataan hawo sumeysan + sawiro

In ka badan 90% Caruurta dunida waxay qaataan hawo sumeysan + sawiro

Muqdisho – Maalin kasta ku dhawaad 93% carruurta dunida oo ay da’doodu ka yartahay 15 sano una dhiganta 1.8 bilyan – waxay qaataan hawo wasakheysan oo waxyeelo ba’an ku heysa caafimaadkooda iyo koriimadooda sida ku cad warbixin ay soo saartay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Sanadkii 2016, waxay WHO, Ku tilmaamtay heer laga welwelo  qiyaasta caruurta u dhimatay hawada sumeysan oo dhan 600,000, waa sababo u laabanaya Infekshanno ka haleelay hab-dhiska neefta.

WHO, Waxay sheegtay in badi khuburada takhasuska u leh culuumta caafimaadka caruurta inaysan dabooli Karin caddeymaha cusub ee tilmaamaya dhibaatada arrinkan ee ka jirta dalalka saboolka iyo kuwa dakhligoodu heer dhexaad yahay.

Waxa la daah rogay in haweenka uurka leh ee qaata hawadaan wasakheysan ay u badantahay iney dhalaan caruur miisaankoodu hooseeyo, halka caruurta qaata ay toos uga waxyeeleyso dareen wadayaasha iyo awoodda garashada, taas ugu danbeyn sababeysa in ay caruurtu dhibane u noqdaan xanuunada kala ah Asmada (Neefta), Kansarka caruurta iyo cududrada raagga sida kuwa ku dhaca wadnaha iyo xiidmaha dhiigga.

Dr Tedros Adhanom, agaasimaha guud ee WHO ayaa yiri “Hawada wasakhaysan waxay sumeyneysaa  Malaayiin caruur ah kuwaas oo u nolosha seega. Tani waa wax aan maqcuul aheyn – cunug kasta waa inuu  awoodaa inuu qaato hawo nadiif ah si korriimadiisu u noqoto mid  dhammeystiran.”

Xogtan la soo helay waxaa lagu soo bandhigay shir markii koobaad looga hadlay wasakhowga hawada iyo caafimaadka oo lagu qabtay Geneva, waxaa ka soo qeyb galay dawladdo loo arkay inay go’aan ka qaadan karaan muskiladdaan, waxaa la isla gartay in la sameeyo ka go’naansho cusub oo lagu joojinayo wasakhaynta hawada.

Warbixinta WHO waxay daaha-ka-qaaday in caruurta ay si gaar ah ugu nugul yihiin hawada wasakhaysan maadaama ay u dhaw yihiin dhulka, caruurtuna oogada dhulka kama dheera sidaa darteed busta, Qiiqa iyo wixii kale ee ka kaca dhulka ama ku soo noqda si fudud ayay neef ahaan ugu qaadan karaan.

“Hawada aan nadiifta aheyn waxay ka hortageysaa korriinka maskaxda carruurta, waxay caafimaadkooda u saameyneysaa si ka badan hababka aan maleyneyno,” sidaa waxaa tiri agaasimaha WHO u qaabilsan caafimaadka iyo deegaanka.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in 600,000  oo cauura ay u dhintaan sanad kasta neefta oo ku xiranta ka dib marka ay jiidaan neef wasakhasyan,  93% carruurta dunida ee ka yar 15 jirka waxay ku neefsadaan hawo ka fog heerka u degsan WHO. 630 milyan waa caruur ka yar 5 jir, 1.8 bilyanna waa caruur ka yar 15 jir.

Waddamada dhaqaalaha liita iyo kuwa dhex-dhexaadka ah 98% carruurta ka yar 5 jirka ma helaan hawo saafi ah, si kale 10-kii cunug 9 ka mid ah ma helaan hawo tayo leh marka lagu saleeyo hanaanka WHO. Marka la bar-bar dhigo dalalka dhaqaalaha leh 52% dhallaanka ka yar 5 jirka waxay helaan hawo nadiif ah marka laga cabbir qaato habka Hawo Miisaameynta WHO.

Ina ka badan 40% wasakhda dunida ee ay ku dhiban yihiin 1bilyan oo caruura ah oo ka yar 15 jirka waxay ka timaadaa waxyaaba wax lagu karsado ee laga isticmaalo guryaha sida shidaalka iyo wixii soo raaca.

Qiyaastii 600’000 oo caruur ah oo ka yar 15 sano jir ayaa dhintay sannadkii 2016 waxana la rumeysan yahay inay sababsadeen wasakhda guryaha. Marka la isku daro wasakhda guryaha iyo midda dibadda ka timaada waxay sababaan in caruur ka badan 50% oo ka yar 5 jir ay asiiibaan  caabuqyada neef-mareenka ku dhaca. Tani waxay ka wada jirtaa dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa dhex-dehxaadka ah iyo qanigaba, inkastoo loo kala badan yahay.

Hawada wasakheysan waa mid ka mid ah waxyaabaha horseeda in carruur badan caafimaadkoodu halis galo, 10-kii caruura ee ka yar 5 jir mid ka mid ah ayaa waxa uu u dhintaa dhibaatadan.

Carruurta ka badbaada inay dhintaan dhallanimadooda waxay u kori doonaan si hooseysa, waxayna halis ugu jiri doonaan cudurada ku dhaca neef-mareenka, sidoo kale mustaqbalka wax-soo saarkooda dambe ma wanaagsanaan doono. Caruurtu waa mustqbalkeenna sidaa yay muhiim u tahay inaan badbaadino.

WHO, shirkeeda koowaad ee lagaga hadlay arrinkan waxa uu furmay 30 October-kii 2018 waxay ku casuuntay hoggaamiyaasha dunida, wasiirada caafimaadka, kuwa tamarta, kuwa deegaanka, maayarada, madaxda urur goboleedyada, saynisyahanada iyo cid walba oo ay ka go’an tahay isbedel.

Warbixinta oo dheereyd waxaa lagu soo gaba-gabeeyay waa in ficil la sameeyaa si guud, bahda caafimaadku waa inay sameeyaan war-gelin iyo wax-barid, waa  in la hir geliyaa siyaasad lagu yareynayo wasakhaynta hawada, dhamaan waddamadu waa inay beegsadaan heerka tayada hawada ee u degsan hay’adda caafimaadka. waa inay dawladuhu yareeyaan ku tiirsanaanta dhuumaha shidaalka , waa in la maal-geliyaa tamarta dabiiciga ah ee la cusbooneysiin karo, waa in qashinka si hagaagsan loo maamulo, waa in iskuulada iyo goobaha ay ku ciyaaraan carruurta laga fogeeyo waxyaabaha hawada wax u dhimi kara sida waddooyinka mashquulka ah iyo warshadaha. tallaabooyinkan waxay yareyneyaan wasakhda hawada ku baxda. Inkastoo hawada la wasakheeyay haddana weli maynaan ka dib dhicin inaan isbedel sameyno, dhammaanteen waxaan leenahay dawr, waa inaan hadda ficil sameynaa.

Sawirro muujinaya wasakhowga hawada: –

Isha: Bogga WHO

W/T:Axmed Maxamed Maxamuud

 

 

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan