Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Haddii Dowladdeennu na Maal-gelin laheyd – Farriin ku socota Madaxda Dalka
Afeef – Aragtidani kama tarjumeyso siyaasadda warbaahineed ee Himilo, waxay gaar u tahay qoraha ku dhigan.

Haddii Dowladdeennu na Maal-gelin laheyd – Farriin ku socota Madaxda Dalka

Muqdisho – Waxaa laga joogaa saddex sano markii Saxaraha Liibiya uu ku go’ay Gallad oo ahaa tiir-dhexaadka ugu dhaqdhaqaaqa fiican qoyskiisa ku nool nolol iska meel dhexaad ah. Wuxuu nolol bilow fiican leh ka aas’aasay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab kahor inta uusan jecleysan inuu tahriibo ku galo Yurub si uu nolosha walaaladiisa sare ugu qaado.

Laba sano kahor geeridiisa wuxuu dhigan jiray jaamacadaha ugu waaweyn magaalada Muqdisho. Balse wuxuu – sida kuwa badan oo maanta jaamacadaha kasoo qalin-jebinaya – la’aa dal degaankiisu ku saacidi karo fursad uu ficil ugu beddeli karo hanka hal-abuurkiisa. Wuxuu la noolaa himilo qurux badan. Hayeeshe, safarkii uu ugu baxay inuu wax uga bedelo nolosha reerkiisa wuxuu noqday midkii uu ifka uga tagay.

Maalin dhaweyd ayaan la kulmay mid kamid ah wiilashii isaga ka yaraa oo Gallad uu ku taami jiray inuu noloshooda horumariyo. Runtii in-kasta oo uu ahaa nin xoogsan kara – haddana sida waayuhu uu tiir adag ugu xirxiray waxaan si cad uga aqristay wajigiisa. Markii uu walaalkii noolaa wuxuu jeclaan jiray in loogu yeero dhaqtar. Wuxuuna u labbisan jiray sida dhaqaatiirta. Maanta si tartiib tartiib ah ayuu wax walba u lumiyay. Rajadii macaaneyd oo uu la noolaana waxay hadba sidii ay liifaddu ugu gaabanaysay noqotay mid ka tiran xusuustiisa.

Sheekada qoyskan waa mid kamid ah kumanaankun qisooyin ah oo aan la diiwaan-gelin kuwaas oo – haddii la werin lahaa – si dhab ah u noqon laheyd musiibo qaran oo u baahan jawaab degdeg ah. Mas’aladu hadda ma taagna in la is weydiiyo meeqaa nooga dhimatay tahriibta? Muhiimaddu waa inaan is weydiin karnaa meeqaan hadda kaddib badbaadin karnaa? Sideen ku suura-gelin karnaa nolol da’yarka Soomaaliyeed uu kaga kaaftoomi karo hanqal-taag dibadeed?.

Intii aan maqlay sheekooyinka tahriibta, waxaa iiga baxay laba mas’alo oo jawaab u helidooda ay ku xiran tahay mas’uuliyad wadareed ka dhaxeeya muwaadiniinta ku nool nolol heer dhexaad ah iyo dowladda dhexe.

Sida muuqata, dhaqaalaha dalkeennu maanta heysto 90% wuxuu gacanta ugu jiraa tujaar maal-qabeenno ah iyo dowladda. Xittaa marka ay timaado inay soo baxaan jiil aqoon-yahanno oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa wax kusoo bartay, waa hey’adaha aan-dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn iyo dowladda dhexe kuwa ugu badan ee loo shaqo doonto.

Nasiib-darro, aqoonyahan kasta oo da’yar ma ahan mid sida asaagii fursad siman ku heli kara doonistiisa ‘willingnees’ la xiriirta in loo sahlo degaan ama ra’sumaal uu ficil ugu bedelo gaaxda maskaxdiisa ku keydsan.

Sidaas darteed, waxaa dalkan ka jira laba dhinac oo kala heysta laba tiirar oo kala ah  rabitaan qoto dheer ‘willingnees’ oo ku jira maskaxda dhalinyarada iyo fursad ‘opportunity’ ay si gaar ah u abuuri karto dowladda dhexe oo ah inay maal-gelin ku sameyso kheyraadka dhalinyaradeeda.

Feysaluuf Hindi kaas oo noolaa 2000 oo sano kahor ayaa wuxuu leeyahay: “Dunida waxay u qeybsan tahay laba qolo:  qolo heysta lacag iyo qolo heysta waqti iyo hal-abuur.  Qolada maal-qabeenka ah waqti uma heli karaan hantidooda. Qolada waqtiga heystana maheli karaan maal-gelin ay ku sameeyaan hanti fara badan. Haddii la isku beego labadooda, dunidu waxay noqon laheyd meel cajiib leh.”

Dhowr dowladood oo waxaa jira si dhab ah u fahmay aragtida faylasuufkan kuwaas oo mustaqbal ku dhisan isku filaansho maaliyadeed u abuuray dhalinyaradooda.

Mudane Madaxweyne iyo Mudane Ra’iisul-wasaare, haddii la doonayo in si dhab ah loola diriro shaqo la’aanta jirta, waxaan aaminsanahay in la joogo waqtigii laga takhalusi lahaa. Aynu kala jeedsanaanteenna ku beddelno isku soo jeedsi dhab ah oo aan isku xog wareysano halka ay tahay inaan u jiheyno mustaqbalkeenna quruxda badan.

Qoysku waa awoodda koowood ee qaranka. Marka aan awoodeyno xubnaha qoysaskeenna ee da’yarta u badan si aan u dhisno qaran dhidibadiisu adag yahay. Haddiise aan qalqaalo loo sameyn hayaanka da’yartu ugu jiraan kasbiga nolosha, waalidiin badan ayaa xoog iyo xabaalba waayi doona ubadkoodii ay kusoo tiir iyo tacab beeleen.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed

Farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan