Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Kooxda Banadir oo saxaafadda la wadaagtay goolhaayaheeda cusub

Kooxda Banadir oo saxaafadda la wadaagtay goolhaayaheeda cusub

Muqdisho – Kooxda kubadda cagta Banadir Sports Club ayaa u soo bandhigtay saaxafada goolhayahiida cuusb Saciid Aweys Yamani, kaa uu kooxda ugu soo biiray naadiga Dekedda.

Banadir Sports Club ayaa habeenkii xaley qabsatay xaflad aad loo soo agaasimay ay ugu dabaal dageysay ku guuleysigii koobka General Daa’uud.

Goobta Xaflada waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, maamulka Kooxda Banadir S,C, Qaar ka mid ah taageerayasha Kooxdan iyo mas’uuliyiin kale ee kala duwan.

Goolhaye Saciid Yamani ayaa waayo fiican ku soo qaatay naadiga Dekedda isago kula soo guuleystay horyaalka Somaali Premier League.

Saciid Yamani ayaa loo dhiibay lambarka 30-aad ee kooxda kaa uu sitay goolhaye Maaney, balse wuxuu u hadiyadeeyay goolhaayaha dhawaan galka ah ee kooxda Banadir Sports Club.

Isha: GoolFM

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan