Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Maurizio Sarri: “Chelsea suuqa ma geli doonto bisha Janaayo”

Maurizio Sarri: “Chelsea suuqa ma geli doonto bisha Janaayo”

Muqdisho – Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa soo jeediyay inuusan dooneynin inuu suuqa kala iibsiga galo bisha Janaayo.

Blues ayaa ku riyaaqday bilow fiican xilli ciyaareedkan, iyadoo guuldaradii kaliya ee Sarri tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge ay kala kulmeen Manchester City kulankii Community Shield.

Chelsea ayaa weli lala xiriirinayaa saxiixyo cusub xagaagan, laakiin Sarri ayaa sheegay inuu doonayo inuu diirada saaro inuu isku dayo inuu horumariyo ciyaartoydiisa haatan ee kooxda.

Tababaraha Talyaaniga ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa inaan kaliya u baahanahay in aan ka caawiyo ciyaartoyda inay horumar sameeyaan, waa mid aad u fudud inaan suuqa u galo dhibaato kasta, waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan horumarino, waxaana u baahanahay inaan horumarino ciyaartoydaan, sababtoo ah waxay hagaajin karaan tayadooda ciyaareed.

“Waa inaan ka fekero inaan horumariyo ciyaartoydeyda, waa shaqadeyda, waxaan qabaa, in aan u baahneyn suuqa, kooxdu waa koox, waxaan u sheegi karaa kooxeyda fikradeyda ku saabsan waxa aan u maleynayo waxa aan u baahanahay,laakiin shaqadeyda, waa in aan isku dayo inaan horumariyo ciyaartoydeyda . “ayuu ugu danbeyn yiri hogaamiyaha taliyaaniga.

Sarri ayaa 19 ciyaaryahan u isticmaalay Premier League xilli ciyaareedkan, halka afar ciyaaryahan oo kale ay ku lug leeyihiin tartamada kale.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan