Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Barca oo ku laba qalbiyayneysa ka qeybgalka Messi kulanka Inter Milan

Barca oo ku laba qalbiyayneysa ka qeybgalka Messi kulanka Inter Milan

Muqdisho – Lionel Messi ayaa si lama filaan ah dib ugu soo laabtay kooxda Barcelona kulanka Talaadada ee Champions League ee ay la leeyihiin Inter Milan. sida ay daabacday wargeyska Isbaanishka AS.

Xiddiga Barca ayaa la filayay inuu maqnaan doono ugu yaraan seddex isbuuc kaddib markii uu dhaawac gacanta midig kasoo gaaray kulankii La Liga ee ay la ciyaareen Sevilla laba isbuuc ka hor, isaga oo seegay ciyaartii La Liga oo ay la ciyaareen Real Betis.

Laakiin Barca ayaa ku dhawaaqday in uu qeyb ka yahay safarkooda Inter Milan,”Ma uusan dhameysan dhamman daawooyinkii loo qorey” taasi oo ah midda xaqiijineyso in Barcelona ay u soo baxeyso wareega 16ka ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Barca ayaan tabin Messi intii uu maqnaa, iyaga oo guuleystay dhammaan afartii kulan ee uu ku seegay dhaawaca iyo sidoo kale kulankii Sevilla oo uu ka maqnaa qeybtii danbe.

Group B, kooxda Tottenham ayaa rajeyneysa in uu Messi lasoo baxo mucjadiisa ugu balaaran kulanka ay Barcelona wajahayaan naadiga ka dhisan magaalada Milaano ee Inter Milan, madaama ay ku tiirsan yihiin Catalans si ay fursado ugu helaan u soo bixitaanka wareegga xiga ee tartanka.

Ciyaartoyda la maleynayo in ay ka maqnaanayaan kulanka Inter Milan kuwaasi oo ku maqan dhaawac waxaa kamid ah,Thomas Vermaelen, Sergi Samper iyo Samuel Umtiti.

Safka Barcelona ee wajihi kara Inter Milan waxaa kamid ah:Ter Stegen, Cillessen, Semedo, Pique, Rakitic, Sergio, D. Suarez, Coutinho, Arthur, L. Suarez, Messi, Dembele, Rafinha, Malcom, Lenglet, Alba, Munir, Roberto, Vidal, Alena.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan