Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Kooxaha Manchester United iyo Barcelona waxay isha ku hayaan Ronaldo

Kooxaha Manchester United iyo Barcelona waxay isha ku hayaan Ronaldo

Muqdisho – Manchester united ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato xiddig kale oo reer Portugal ah oo la yiraahdo Ronaldo, sida ay sheegayaan wararka.

Shan iyo toban sano ka dib markii uu Cristiano kaga soo biiray Sporting Lisbon, Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay dooneyso mid kale

Sida laga soo xigtay wargeyska Portuguese, waqtigaan waxa ay ka danbeeyaan da’yarka Benfica Ronaldo Camara.

Camara oo 15 jir ah ayaa ku riyaaqay kooxda da’yarta Benfica xilli ciyaareedkan, waxaana uu soo jiitay xiisaha kooxo badan oo waa weyn,waxaana uu hal kulan u saftay Uefa Youth League.

Wuxuu dhashay bishii Janaayo 2003 – todoba bilood ka hor inta uusan Cristiano u dhaqaaqin Old Trafford – wuxuu laacibkaan  ka mid ahaa akadeemiyadda Sporting Lisbon ilaa July 2015 isaga oo markii danbe u dhaqaaaqay Benfica.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa qeyb ka ah xulka Portugal ee da’dooda ka hooseyso 17 jir, laakiin sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay inuu matalo xulka Guinea-Bissau.

Manchester United ayaa tartan adag la kulmi doonta  taasi oo ku aadan saxiixa laacibkaan kaasi oo ay kooxo badan isha ku la raacayaan.Camara waxa uu qandaraas kula jiraa Benfica ilaa 2020.

Barcelona ayaa la fahamsan yahay inay aad u xiiseyneyso, halka Chelsea iyo Manchester City ay sidoo kale lala xiriirinayay wakhti hore.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan