Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Fursadaha shaqo abuur ee ka hirgalay Internet-ka

Fursadaha shaqo abuur ee ka hirgalay Internet-ka

Muqdisho – Baahida ayaa asal u ah hal-abuurka. Waana midda keenta in qofku fikiro oo maskaxdiisa shiilo. Haddii baahida iyo danta meesha ka baxdo waxaa yaraanaya heerka hal-abuurnimo ee bulshadda.

Dad badan ayaa aamisan in hal-abuurka loo dhasho oo uusan aheyn wax la barto. Waxaa kale oo jirta aragti ah in hal-abuurnimada qofka ku xerantahay nabadgelyadda deegaankiisa, tusaale haddii qofku ku nool yahay deegaan colaadeed waxay leeyihiin dadka qaba aragtidan waxaa yar inta uu ka fekeri karo hal-abuur nuuc kasta ha noqdee iyaga oo sabab uga dhigaya in maskaxda qofka dareemayso culeys intaa ka badan.

Hase ahaatee tani waxaa beeniyay dad badan oo iyaga oo ku nool dalal colaadeed ku dhaqaaqay fikiro iyo curisyo hirgalay oo loo aayay.

Hal-abuurka wuxuu noqon karaa oo uu saameyn karaa dhinac kasta oo nolosha ah, qofku wuxuu sameyn karaa mararka qaar hal-abuur isaga naftiisa ku kooban balse waxgal u ah iyo mid bulshada oo dhan nacfi u leh oo ay ka faa’iideysato.

Markaan tusaalo u soo qaadano hal-abuurka ganacsi waa mid ballaaran oo u baahan maskax shiil fara badan. Marka uu qofku bilaabayo howl ganacsi waxaa ka horreeya baaritaan badan oo la sameeyo, waxaana howl kasta oo ganacsi la xiriirta habboon in la geliyo wakhti fara badan si ay u noqoto mid mira dhal ah.

Caqabada ugu weyn ee dhallinyarada dalkeenna waxay in muddo ahba ahayd shaqo la’aanta oo ah aafada aan dhammaadka laheyn. Inta waxbaratay iyo inta kalaba shaqo la’aantu waxay u saameysay si siman.

Dhallinyaro badan oo ka mid ah jiilkeenna dahabiga ah waxay dalka uga tageen sababo la xiriira inaysan helin shaqo oo ah xaq uu qofku leeyahay markasta balse waxaa xusid mudan inay jiraan da’yar inta baxday ka tiro badan oo ka shaqeysiiyay hab fikirkooda kana baaqsaday inay noqdaan shaqaale, taa baddelkeedana maanta ah loo shaqeeyayaal.

Hal-abuurka ganacsi ee da’yarta dalka waa mid gaaray meel kasta iyo dhinac kasta, waxaana qof kasta go’aansaday inuusan gacan kale wax ka sugin ee uu iskii wax u qabsado. Tani waxaa ka dhasha fikiro dhaxal gal noqday oo loo aayo ilaa iyo maanta.

Marka laga yimaado fikirada ganacsi ee waaweyn ama ku shaqeeya ra’sumaal badan oo ay dhallinyarada sameeyeen iyagoo la kaashanaya dhinacyo kale haddana waxaa jira ganacsiyo yar yar oo aflaxay islamarkaana dhallinyarada hirgaliyeen iyaga oo maanta ka dabara noloshooda iyo tan qoysaska.

Internetka wuxuu noqday adeeg aan sinnaba looga maarmin oo kharash badan lagu bixiyo. Waxaa suuqa interneka ka shaqeeya shirkaddo waaweyn oo ku jira ganacsigan hase ahaatee baahida markasta loo qabo internetka waxay suuq cusub u furtay qaar kamid ah da’yarta maanta.

Shirkadaha waaweyn ee bixiya adeegga internetka iyo macaamiisha waxaa maanta u dhaxeeya dhallinyaro si casri ah uga shaqeysta bixinta adeegga iyaga oo dadka ka iibiya xermooyinka GB-yada internetka.

Iyaga oo ka faa’iideysanaya tiknolojiyadda ayay bakhaarka Play store-ka ee shirkadda Google waxay ka sameysteen Hawlgeliye (Application) u gaar ah oo qofka u tusaaleynaya adeegga internetka oo ah dhowr shirkadood, waxaana qofku halkaa ka heli karaa macluumaad dhameystiran oo ay ku jiraan lacagaha xermooyinka.

Isaga oo aan wax dhib ah marin ayuu qofku lacagta tuurayaa, waxaana uu si fudud u helayaa adeeggii uu dalbaday.

Kumanaan dhallinyaro ah ayuu shaqo u noqday ganacsigan oo aan kaaga baahneyn inaad meel u fariisato. Waxaana tusaale u ah Axmed Jaaki oo kamid ah da’yarta muddo ka shaqeynaysay, kaas oo ii sheegay inuu ka faa’iido ganacsigan iibinta xermooyinka internetka islamarkaana uu ka iibsaday gaadiidka bajaajta, Axmed iminka waa bajaajle aanan wali ka tegin shaqadiisa hore ee uu ku hodmay.

Qore: Mahad Maxamed Cali

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan