Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Maurizio Sarri: “Ross Barkley dhibaato ayuu ku jirey markii uu yimid Chelsea”

Maurizio Sarri: “Ross Barkley dhibaato ayuu ku jirey markii uu yimid Chelsea”

Muqdisho – Maurizio Sarri ayaa sharaxaad ka bixiyay sida Ross Barkley uu ku noqday ciyaaryahan tayo leh, kana tegay waayihii xumaa ee uu ku jirey kahor inta uusan imaan kooxda Chelsea.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Everton ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku sameeyay Blues xilli ciyaareedkaan kaddib xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda.

24 jirkaan ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 7 gool 15 kulan oo uu dheelay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sarri oo ka hadlaya xilligii xumaa ee Barkley ayaa yiri”Bilawgii, wuxuu ku jiray dhibaato.

“Kaddib wuxuu bilaabay inuu horumariyo tababarka kasta, ciyaar kasta.

“Sidaa darteed waxaan la yaabanahay haddii aan ku fikiro bisha ugu horeysa,laakiin ma ahan haddii aan ka fekero labadii bilood ee la soo dhaafay.

Sarri ayaa sidoo kale ka hadlay  waayaha wanaagsan ee  Barkley ayaa yiri “Waa ciyaaryahan dhameystiran”

Hadda, Barkley ayaa bilaabay inuu isku bedelo “ciyaaryahan dhameystiran” tan iyo imaanshiyahiisa  kooxda Chelsea, sida uu sheegay Sarri.

59-jirkan ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu muhiim u yahay Blues iyo England.

Sari ayaa hadalkiisa intaasi raaciyey “Waan jeclahay isaga, sababtoo ah waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahan dhameystiran.

“Waxa uu leeyahay tayo jir ahaaneed. Isagu waa mid dhakhsiyo badan. Farsamo ahaan waa uu fiican yahay: waxa uu kubadda ku laadi karaa lugtiisa bidix, iyo midigta.

“Waxa uu horumarin ku sameynayaa kubadda. Waa uu dhaqso badan yahay, maskax ahaanna waa mid dhaqsi badan, isaga waxa uu horumariyey xeeladda.

“Waxaan u maleynayaa inuu ku socdo in uu noqdo ciyaaryahan qadka dhexe ah, kaliya ma ahan England.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan