Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Oof-wareen: Aafo ku foollan dadkeenna
“Afeef- ma ihi takhtar, cilmi baaris dheerna kuma sameyn cudurkan, keliya waxaan jecleystay inaan dadka aqoonta dheer u leh ku babaarujiyo inay wax ka qoraan, bulshadana aan dareynsiiyo inuu xanuunkan yahay mid halis ah”.

Oof-wareen: Aafo ku foollan dadkeenna

Muqdisho – Waa cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca siiba sanbabada sal-dhigta waxa uuna badanaa beegsadaa carruurta ka yar shan sanno, 99% waxa uu ka jiraa dalalka soo koraya ee ay Soomaaliya ka mid tahay. Fahanka Soomaalidu ay ka haysato xanuunkan waxaad moodaa inuu aad u hooseeyo, badankeen waxaan ku qaladnaa cudurro kale sida Buro-kiito, Kolba-aariyo, Neef iyo Qaaxo, balse dilaagan uu ka duwan yahay.

Dhammaan xanuunadan iyo oof-wareenka waxa ay wadaagaan oo ay leeyihiin calaamado iska ag dhaw sida qufaca iyo qandho kuwaa oo ay adag tahay inay kala gartaan dadweynaha caadiga ah, cudurkan waxa uu dhibaato ku hayaa oo uu ku badan yahay waddamada dunida saddexaad loogu yeero.

Haddaba maxaa lagu garan karaa?

Calaamadaha qaar-jeexa/oof-wareen way kala duwan yihiin wayna kala daran yihiin, waxa ay ku xiran tahay nooca midka ku asiibay, da’daada iyo caafimaadkaada, hase ahaatee waxaa jira astaamo uu caan ku yahay oo kala ah qufac, qandho, neefta oo yaraata iyo qar-qar.

Intaa kuma eka calaamadihiisa waxaa jira kuwo kale kuwan ka yara duwan oo kala ah; xabad xanuun, dhidid badan, madax-xanuun, hammuun la’aan cunto iyo wareer qoddobkan waxaa ku badan dadka waaweyn. Xusuusnow waxaa jiri kara astaamo kale.

Tusaale ahaan haddii oof-wareenka ku haya uu ka yimid bacteria, waxaa suura-gal ah in heerkulkaaga uu gaaro 105 degree iyo tamar dhig deg deg ah maalmo gudahood. Ku darso waxaa kale oo dhici karta in carruurta markaa dhashay aan calaamadahan lagu arag. Balse sida badan lagama wada waayo, waxay u badan yihin matag, waxaa u raaci kara qandho iyo qufac.

Maxaa sababa cudurkan?

Waxaa keena il-ma-qabato kala duwan, hase ahaatee waxaa loo tiiriyaa inay sababaan qaar-jeexa kuwaas oo kala ah; bacteria, viruses, Mycoplasmas, ku noolaanshaha  isku raranta, iyo deegaanka oo aan nadiif aheyd. Guryaheenna waxaa la isticmaalaa qoryo ama dhuxul kuwaas oo laga yaabo inay qiiq sameeyay,qiiqaas waxa uu ka mid yahay waxyaabaha cudurkan keena.

Hadaba waa maxay khatartiisa?

Qof walba wuu qaadi karaa xanuunkan balse dadka qaar waxay ooga halis badan yihiin dadka kale, carruurta ka yar shan sanno iyo dadka ka wayn 65, dadka sigaarka cabba, dadka difaacoodu yar yahay, dhawaanahan galay qalliin, iyo kuwa wax liqiddu ay dhibto. Dhammaan dadkan iyo kuwa qaba xanuunada raaga  waxa ay u nugul yihiin oof-wareenka.

Maxaa looga hor-tagi karaa?

Waxa ugu wanaagsan ee looga hor-tagi karo waa tallaal, nadaafadda oo la ilaaliyo, isticmaalka sigaarka oo laga fogaado, naas-dhuujin dhameystiran oo la siiyo carruurta iyo difaaca qofka oo aan hoos u dhicin.

Haddiii uu ku haleelo maxa lagu daweyn karaa?

Antibiotics waa dawooyinka ugu habboon ee la siiyo ama lagu-lataliyo dadka uu ku dhaco xanuunkan, balse waxaa soo raaca oo la isticmaali karaa  dawooyinka qufac (inkastoo aan la amaanin)  iyo dawooyinka yareeya xanuunka sida Aspirin iyo ibuprofen, waxaa kale oo muhiiim ah inaad badsato dareereyaasha la cabbo iyo inaad qaadato nasiino.

Maxaa looga baahan yahay dhakhtarka haddii uu tago ruux xanuunkan isaga shakisan?

Waxaa dhakhtarka la gudboon inuu dhegeysto sanbabadaada, inuu raajo saaro xabadkaada, inuu dhiigaa baaro, waxa kale oo uu qaadi tallaabo kasta uu kugu dabiibi karo.

Dawladaha go’aan ka qaaday

Dhawr dal oo ay ka mid yihiin Bangladesh, India, Kenya, Uganda iyo Zambia waxay meel mariyeen oo ay siyaasadooda caafimaadka carruurta ku dareen qorsheyaal gobol iyo kuwo qaran oo ay wax kaga qabanayaan oof-wareenka iyo shubanka, kuwana way ka hortageen cudurka.

Xaqiiqooyinka cudruka

Oof-wareenku waa xanuunka keliya ee keena dhimasahada ugu badan ee carruurta aduunka oo idil, sanadkii 2015, waxaa u dhintay 920,136 carruura oo ka yar 5 sanno, 16% waxa loo tiiriyaa dhammaan dhimashada carruurta ka hoose shan sanno, marka la isku geeyo caruurta u dhinta xanuunada kale waxaa ka badan kuwa u dhinta oof-wareenka.

Xanuunkan waxa uu fara ba’an ku hayaa carruur iyo qoysas badan 99% dhimashada qaar-jeexa waxa ay ka dhacdaa  dunida saddexaad, siiba South Asia iyo sub-Saharan Africa,, balse cudurkan waa laga hor tagi karaa si fudud, waxaana lagu daweyn karaa wax ka yar hal Doollar.

Soomaliya iyo Oof-wareenka

Dalka waxa uu muddo ku jiray bur-bur sidaa darteed waxaa adkayd in baarid lagu sameeyo xanuunkan iyo halistiisa, balse sida ku cad warbixin ay soo saartay hay’adda Save the Children gudaha Soomaaliya waxaa saacad kasta oof-wareen u dhinta labo caruur.

Warbixintan oo ay daabacday hay’addu dhamaadkii sanadkii tagay waxaa lagu yiri carruurta Soomaaliyeed ee u dhintay cudurkan waxay gaartay 14,561, geesta kale 100 carruura ee dhinta  24 ama 25 ka mid ah waxay u nolol seegaan qaar-jeex, sida lagu sheegay xogta Save the Children. Waa naxdin leh!

Maxaa heerkan gaarsiiyey?

In badanoo ka mid ah qoysaskeenna waxa ay la daalaa-dhacayaan nolol maalmeedkooda sidaa darteed awood uma laha inay carruurta geeyaan goobaha caafimaadka, si kale waalidka oo marka carruurtu ka xanuunsato aan dhakhtar geyn ama kol dambe geeya, midda ugu weyn cudurkan tallaalkiisa lagama helo Soomaaliya halka laga helo dalalka deriska, la’aanta tallaalka qaar-jeexa waxa ay keentay inuu xanuunkan ka sii jiro Soomaaliya.

Sababta tallaal looga wayay Soomaaliya

Tallaalka oof-wareenka waa qaali ($9.15) iyadoo sidaas ay jirto haddana dalalka lama wada siiyo waxaa lagu xiraa shuruuudo, lacagta badan ee uu jooga tallaalka ka sokow Soomaaliya waxa lagu yiri tallaalka qaar-jeexa la’ idinma siin karo ilaa tallaalada kale sida kan Polio aad ka siisaan carruurta Soomaaliyeed ugu yaraan 70%.

Maxaa la gudboon dawladda iyo shacabkaba?  

Dawladda waxaa la gudboon inay dhibaatada oof-wareen ku darsado qorshaheeda dhaw ayna ku bixiso dadaalkii dheer sidii tallaalka xanuunkan loogu fasixi lahaa waddo kasta, waxaa kale oo muhiim ah inta tallaalka laga helo in dalka lagu baahiyo dawooyinka lagu dabiibo iyadoo la iska kaashano si wada jir ah shacab iyo dawladba.

Dawrka warbaahinta

Warbaahinta waxaa saaran waajib ah inay baahiso xaqiiqooyinka oof-wareenka iyada oo la kaashaneysa hay’adaha madaxa-bannaan iyo ururada aan dawliga aheyn. Waxaa kale oo saxaafadda la gudboon inay masuuliyad isa-saarto oo ay dhis wacyiga bulshadan ee xanuunkan iyo kuwa la midka ah.

Qore: Axmed Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan