Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Ninka doonaya inuu da’diisa ka jaro 20 sano si uu u helo shaqo iyo lamaane cusub

Ninka doonaya inuu da’diisa ka jaro 20 sano si uu u helo shaqo iyo lamaane cusub

Muqdisho – Nin u dhashay dalka Holland oo 69 jir ah ayaa go’aansaday arrin liddi ku ah shuruucda iyo qawaaniinta kagadaal markii uu dalbaday in 20 saano laga jaro da’diisa dhabta ah.

Waxa uu sheegay in muuqaal ahaan jirkiisu yahay dhallinyaro isagoo sita warqado caafimaad oo been abuur ah.

Emile Rutland, Waa hawlwadeen dawladeed oo ka shaqeeya horumarinta aadanaha, waxa uu doonayaa inuu beddelo warqadaha dhalashadiisa oo caddeynaya  inuu dhashay 11 March 1949, isagoo ku beddelaya inuu dhashay 11 March 1969, kaddib markii uu shaaciyay in taqaatiirtu u sheegeen jirkiisu inuu weli dhallinyaro yahay islamarkaana uu u qalmo 49 jir.

Waxa uu bilaabay in nidaam garsoor uu la tiigsado maamulka magaalada uu deganyahay kaddib markii ay ka hor-yimaadeen rabitaankiisa ah in da’diisa laga jaro 20 sano.

Mr Rutland, waxa uu yiri “Waa suurtagal in magacaaga aad beddesho, waa suurtagal in hidda sidahaaga aad beddesho, maxaysan suurtagal u aheyn in da’da la beddelo”, Isagoo muujiyay iney jiraan dad badan oo loo takooray da’dooda. “Da’deyda ayaa saameyn ku yeelatay fursadaha aan ku heli karo lamaan cusub iyo shaqo” ayuu sidoo kale warkiisa sii raaciyay.

Mr Emile, Waxa uu iminka diyaar u yahay inuu ka guuro noloshiisa hawlgabnimada ah haddii uu ku guuleysto dagaalkiisa sharci ee uu ku doonayo inuu Labaatan sano uga jaro da’diisa.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan