Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Maxay tahay qorshaha Mourihno uu ka damacsan yahay Matteo Darmian?

Maxay tahay qorshaha Mourihno uu ka damacsan yahay Matteo Darmian?

Muqdisho – Matteo Darmian ayaa mar kale isku dayi doona inuu ka tago Manchester United islamarkaana uu dib ugu laabto Italy bisha Janaayo, laakiin Jose Mourinho ayaa doonaya inuu daafacaan ku sii nagaado Old Trafford ilaa ugu yaraan dhammaadka xilli ciyaareedkaan, sida laga soo xigtay ESPN FC.

28 jirkaan ayaa hal kulan u saftay xilli ciyaareedkaan, waxaana xiiseynaya kooxo ka dhisan Serie A, Darmian ayaa doonaya inuu ka dhaqaaqo kooxda suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Laakiin Mourinho, oo ka walwalsan taam ahaanshaha Antonio Valencia iyo Diogo Dalot, ayaa jeclaan lahaa in uu sii joogo Darmian. Daafaca Italy ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin lixdii kulan ee ugu danbeysay, laakiin Mourinho ayaa doonaya inuu daafaca garabka midig iyo daafaca bidix ka ciyaarsiiyo.

Timothy Fosu-Mensah, oo sidoo kale ka ciyaari kara daafac midig, ayaa amaah ku jooga Fulham laakiin ilo kale ayaa u sheegay ESPN FC in United aysan dooneynin inay dib u soo celiso ciyaaryahanka reer Holland.

Darmian, oo 12.8 milyan oo ginni uga soo iibsatay Turino 2015, ayaa u cadeeyay Mourinho iyo madaxda kooxda in uu doonayo inuu ku laabto Italy xagaaga,inkastoo laacibkaan uu wadahadallo la galay Juventus iyo Napoli, haddana kooxda ma aysan helin dalab la aqbali karo.

Darmian ayaa dib ugu soo laabtay kooxda koowaad kaddib dhaawacyo soo gaaray Valencia iyo Dalot.

Valencia ayaa seegay todobadii kulan ee ugu danbeysay, halka Dalot, oo xagaagii uu ka soo dhaqaaqay  Porto uusan ka soo muuqan tan iyo kulankii Carabue Cup ee Derby bishii September.

Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN FC in United ay wadahadal heshiis ah la gashay Juan Mata.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan