Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Dhib ceynkee ah ayaa ka dhalan kara dawo uusan dhaqtar qorin?

Dhib ceynkee ah ayaa ka dhalan kara dawo uusan dhaqtar qorin?

Muqdisho – Qaadashada dawo waxaa keena xaalado caafimaad oo daruuri ah hase ahaatee in la qaato iyada oo uusan ku talin dhaqtar waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin caafimaad oo ka khatarsan xanuunka loo qaatay.

Dad badan ayaa iyaga oo ka fogaanaya safka dheer ee loo galo isbitaalada iyo kharashaadka ku baxa baarista caafimaad waxay tagaan farmashiyaha iyaga oo daqiiqado ku qaata dawo aan dhaqtar u qorin.

Tani waxay dhacdaa marka qofka uu aaminsan yahay in xanuunka haya uu yahay mid fudud oo aan u baahneyn in goob caafimaad loo tago balse xaqiiqada waxay tahay in qofkaasi uu mugdi sii gelinayo caafimaadkiisa.

Dadka markay ugu yartahay loo qiil sameyn karo inay dawo ka qaataan farmashiye waa dadka leh sooyaal caafimaad islamarkaana fahmi kara xanuunka haya.

Dunida horumartay lagama ogola in dawooyin laga qaato farmashiye iyadoo dhigaal caafimaad uusan wadan qofka. Waxa keliya ee qofka uu farmashiye ka qaadan karo waa dawooyinka xaaladaha degdega ah sida dawooyinka xanuunada la isaga jabiyo.

Dhigaalada ama qoraalada ugu caansan ee ku yaala dawooyinka waxaa kamid ah “ lama qaadan karo dawadan iyadoo uusan ku talin dhaqtar” waxaase nasiib xumo ah inaysan dad badan u hoggaansamin haba ugu badnaadaanee dadka ku nool qaaradda Afrika.

Xeeldheerayaasha caafimaadka dood kama qabaan in qofka uu farmshiye ka qaato ama laga siiyo kaniini yar oo xanuun baabi’iye ah hase ahaatee waxay soo jeedinayaa inaan marnaba lagu fududaan in qof la siiyo dawo uusan dhaqtar soo qorin iyadoo rabitaankiisa loo raacayo.

Waxaa habboon markasta in la kala saaro dawooyinka qofka uu ka qaadan karo farmashiye isaga oo aan wadan dhigaal caafimaad iyo kuwa marnaba aanan loo qori karin qofka baaris caafimaad ka hor.

Daraasado laga sameeyay Jarmalka ayaa cadeeyay in inta badan dawooyinka la qaato iyadoo uusan dhaqtar ku talin ay jirka bini’aadamka ka dilaan jeermiska waxtarka u leh. Waxaa kale oo daraasadaha muujiyeen in qaadashada dawada muddo dheer oo xiriir ah inay wiiqayso awooda difaaca jirka qofka.

Xanuunada inta badan laga dhaxlo dawooyinka uusan dhaqtar qorin waxaa kamid ah wadno xanuunka iyo kelyo fariisiga.

Baaritaano kale oo laga sameeyay heerka rag iyo dumar ee qaadashada dawo aan la qorin waxay tilmaameen in dumarka kaga badan yihiin ragga markay timaado in farmashiye la tago lagana soo qaato daawo aanan marin hannaanka baarista caafimaad.

Haddii qofku yaqaano xaaladaha caafimaad ee uu la nool yahay sida xanuunada raagga islamarkaana uu qaato dawo uu dhaqtar goor sii horreysay u qoray waxay dhaqaatiirtu leeyihiin malaha culeys badan laakiin waa in qofku uu muddo kaddib ku laabtaa dhaqtarka.

Soomaaliya, majiraan sharciyo badan oo ka dagsan dawooyinka, bixintooda iyo iibintooda, waana midda horseedeysa in wax walba ku socdaan jaanta roggan balse si aan u noqono bulsho caafimaad qabta waa in la helaa hannaan la xiriira dawooyinka islamarkaana aan ka wax barano ilbaxnimada caafimaad ee bulshooyinka horumaray.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed

 

 

 

 

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan