Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Barcelona oo isha ku heysa bartilmaameedkii Ac Milan iyo Juventus

Barcelona oo isha ku heysa bartilmaameedkii Ac Milan iyo Juventus

Muqdisho – Kooxda reer Spain FC Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso dhaqaale  ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Adrien Rabiot.

Rabiot ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxo dhowr ah, horaantii bilihii la soo dhaafay waxaana uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkan kooxda Parisiens ee horyaalka Ligue 1. Waxa uu soo muuqday 12 kulan oo horyaalka ah, isagoo dhaliyay labo gool. Rabiot ayaa sidoo kale ka soo muuqday seddex kulan oo UEFA Champions League ah.

Wargeesyada ciyaaraha Spanishka ayaa sheegaya in Barcelona ay isku aadineyso qorshe dhaqaale,si ay u hubiso adeegga Rabiot xagaaga soo aadan.

Isku daygaas wuxuu noqon karaa mid muhiim u ah ciyaaryahanka, kaasi oo diiday labo dalab oo ay PSG u soo bandhigeen  bilihii u danbeeyay madaama uu dalbaday lacag ka badan wixii la soo bandhigay.

Heshiiska Rabiot ee PSG waxa uu dhacayaa xagaaga 2019, waxaana uu xor u noqon doonaa inuu ka hadlo shuruudaha koox kasta oo dooneysa bisha Janaayo. Juventus, AC Milan, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhammaanlala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan ciyaaryahanka reer France ilaa iyo haatan.

Isha: Calciomercato.com

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan