Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Alexandre Lacazette “Meelna uguma socdo Arsenal”

Alexandre Lacazette “Meelna uguma socdo Arsenal”

Muqdisho – Alexandre Lacazette ayaa hoos u dhigay fekradaha ah in uu  ka dhaqaaqayo Arsenal xagaagan, Lacazette ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Lyon sannadkii 2017, inkastoo uu dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee England, ninka Faransiiska ah ayaa la kulmay dhaleeceen xooggan.

Weeraryahanka ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo Emirates Stadium ka hor xilli ciyaareedka 2018-19,laakiin wuxuu ku adkeystay in Gunners aysan diyaar u aheyn in ay iibiso.

“Waan ku faraxsanahay, sababtoo ah waan aqaanaa horyaalka, waan garanayaa ciyaartoydeyda, asxaabteyda, kooxda waa ay ku faraxsan tahay sababtoo ah xagaagan ma aysan dooneynin inay i iibiyaan, waxay igu yiraahdeen “waan ku faraxsanahay in aan kugu heysano kooxda” , “Lacazette ayaa u sheegay Arsenal Player.

27 jirkaan ayaa lix gool dhaliyey 15 kulan oo uu u saftay Arsenal inta lagu guda jirey xilli ciyaareedkan 2018-19.

Isha: Sportsmole.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan