Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka laga xusay

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka laga xusay

Muqdisho – Maalinta Macalinka Soomaaliyeed waxaa loo dabaal-degaa 21 bisha November sanad kasta taniyo sanadkii 1974-kii si loo  weyneeyo doorka ay horumarinta bulshada Soomaaliyeed kaga jiraan.

Waa maalin la is xusuusiyo doorka macalinku ku leeyahay mujtamaca, goobaha waxbarshaduna la fasaxo,  islamarkana la abaabulo munaasibado ka kala dhaca guud ahaan gobolada dalka inkastoo xiligan ay tahay mid ka duwan sidii loo maamuusi jiray xiligii Dowladii kacaanka ayaa hadane Maanta goobaha waxbarshada qaar waxa ay ahayeen kuwo ay albaabada u furnayeen oo aysan ka muuqan diyaargarowga Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

Macalimiinta waxa loo aqoonsaday awoodda kaliya ee lagu gaari hiigsiga Waxbarasho, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in sarre loogu qaado heerka aqooneed ee barayaasha iyo wajihista caqabadaha horyaalla oo xagal-daacin ku sameyn kara hab-sami-u-socodka howlgalkooda.

Xaqiiqdii marka loo eego Machadka Istaatikada UNESCO, dunida waxay u baahan tahay 69 malyuun oo macalimiin ah haddii la doonayo in lagu guuleysto hiigsiga horumarineed ee dugsiga dhexe iyo kuwa sare ee dunida sanadka 2030-ka. Machadku wuxuu sii tilmaamay in dalalka dunidu ay u baahan yihiin howl-gelinta iyo shaqaaleysiinta 12.5 malyuun oo barayaal dugsiga hoose ah si hiigsiga hadafka uu u miro-dhalo.

Waxaa jira 29 milyuun oo macalimiin dhigta dugsiyada hoose. Walina waxaa loo baahan yahay tiro intaas ka badan.

Celceliska macalinku uu sanadkiiba shaqeeyo waxaa lagu sheegay inay dhan tahay 786 saacadood oo ay fasallada kula jiraan ardaydooda.

Mid kamid ah asbaabaha waxaa lagu tilmaamay sameynta is-bedel ay rabaan inay ku bedelaan bulshooyinkooda.

Mid kamid ah farriimaha quruxda leh ee Maalinta lala wadaago barayaasha waa: Hal macalin iyo badweyn arday ah, waxaadse hubsanaysaa in mid kasta oo innaga mid ah uu dareenkaada haleelo.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka loona wayneeyo.

Qiimeynta Maalintan iyo maalmaha kale ee la halmaala waxaa xaqiiqo ah in dunida aysan u wada sinneyn balse ay u kala dhow dahay. Shakina wuxuusan ku jirin in dunida sida qotada dheer ula fal-gasha muujinta waxa uu baruhu ka dhigan yahay ay tahay midda ugu horumarka fiican dadyowga.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan