Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Maxay dadka qaar u dhibsadaan habsiinta?! Jawaab cilmiyeysan

Maxay dadka qaar u dhibsadaan habsiinta?! Jawaab cilmiyeysan

Muqdisho – Haddii aad la kulanto qof dhibsanaya salaanta habsiinta ah hala yaabin, waxaa jira sababo badan oo qofka marmarsiyo loogu sameyn karo. Si aad uga fogaato in saaxiibbadaada ku dhibsadaan, waxaad ugu gaabin kartaa salaanta gacanta.

Kamid noqo dadka habsiinta jecel ama kuwa dhibsada, macluumaadka soo socda ayay tahay inaad ka ogaato habsiinta oo ah nuuc kamid ah salaanta la adeegsado.

Wargeyska Time ee dalka Mareykanka ayaa warbixin ka qoray sababta dad badan u dhibsadaan habsiinta. Khubaro badan oo la wareystay waxay xaqiijiyeen inay tani la xiriirto habka loo soo barbaariyay qofka .

Waxay Susan oo ah barre jamaacadeed leedahay in qofku uusan jecleysan in jirkiisa la taabto ama uu dhibsado habsiinta waxay ku xeran tahay waayo-aragnimadiisa carruurnimo.

Waxay intaa raacisay Susan in haddii carruurta aan la barin habsiinta uu marka danbe u arkayo wax aan munaasab aheyn ama uu dhibsado hase ahaatee haddii cunugga ku koro bulsho habsiintu u tahay marxabeyn iyo salaan uma arkayo culeys marka uu koro.

Derisa Narviz oo ah barre cilmi nafsiga ayaa tilmaamay in dareenka naxariista ee leh taabashada jireed sida habsiinta uu saameyn ku leeyahay koriimada cunugga.

Waxaa jiri karta sabab kale oo qofka gaar u noqon karta. Waxay khubarada ku tilmaameen kalsooni darrida oo halisteeda leh. Tani waxaa lagu oggaaday in dadka habsiinta jecel yihiin dad ku kalsoon naftooda.

Daraasad la sameeyay goor sii horreysay ayaa tilmaamtay in habsiinta ay xoojiso difaaca jirka qofka.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan